Wasiirka Amniga oo xariga ka jaray hab-raaca qaadashada baasaboorka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray hab-raaca cusub ee qadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta kormeer guud ku sameeyay xarunta bixinta basaboorada Soomaaliya ayaa mid mid u kormeeray xafiiskayada hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Sida Xafiiska Hubinta Muwaadinimada, Xafiiska Qaadashada baasaboorka, Xafiiska Daabacaada, Xafiiska Keydka iyo Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha.

Hab-raacan cusub ee qaadashada Basaboorka ayaa ah mid lagu kontoroolayo dadka qadanaya Baasaboorka in ay yihiin dadka xaqa u lahaa iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo sharafta Basabooka Soomaaliya uu lahaa.

Wasiirka amniga ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, isagoo uga waramay sida ay hay’adda u shaqeyso iyo qorsheyaasha ay hiigsanayaan.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga gudaha ayaa bogaadiyay howlaha ay qabato hay’adda, waxaana uu kula dar daarmay inay sii dar dargeliyaan howlaha loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...