Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo kormeeraya Aqalka dowladda Hoose

Date:

Guddoomiyaha  Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeennada gobolka iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer howleed ku tegay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo qeybaheeda kala duwan ay ka kooabantahay, Xarunta gaadiidka dabdamiska, Xarunta Taliska Ciidanka ilaalada Deegaanka Xamar, Xarunta lagu sameeyo Kaarka aqoonsiga iyo Warqadda  dhalashada  ee Dowladda Hoose ee Xamar iyo sidoo kale Xarunta gaadidka Bisha cas iyo Warshadda soo saarta qalabka dhismaha.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ayaa intii uu kormeer ku guda jiray  xarumaha kala duwan ee dowladda Hoose ee Xamar  waxa uu la kulmay howlwadeenada Dowladda Hoose oo uu ka dhageystay warbxin ku aadan sida ay u shaqeeyaan iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

Sidoo kale  Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit ayaa xarunta Bisha Cas kula kulmay ingineera ka tirsan Dalka Turkiga isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta Caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in ujeedka kormeerka guddoomiyaha cusub ee gobolka uu la xiriiro sidii u ogaan lahaa xaaladaha ay ku shaqeeyaan howlwadeenada iyo hantida ma guurtada ah ee taallo xarumaha uu kormeerka ku tegay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...