Maamulka Goboleedka Jubbaland oo sheegay inay hoos u dhacday Awoodii Shabaab

Date:

Taliska Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab iminka aysan lahayn awood badan.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan awoodin in Weerar toos ah iyo dagaal ay ku soo qaadaan Xarumaha maamulka Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa xusay in Al-Shabaabkii qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Kismaayo hada aysan awood u lahayn in ay arrintaasi sameeyaan.

Waxa uu sheegay in Sarakiisha maleeshiyaadkaasi  ay adeegsadaan dhalinyarada oo qaarkood uu sheegay in ay hada ku jiraan Xabsiyada Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Taliska Nabad Sugidda Jubbaland ay ka go’an tahay sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee degaanada Jubbaland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa Shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amaanka guud ee degaanada Jubaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...