Maamulka Goboleedka Jubbaland oo sheegay inay hoos u dhacday Awoodii Shabaab

Date:

Taliska Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab iminka aysan lahayn awood badan.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan awoodin in Weerar toos ah iyo dagaal ay ku soo qaadaan Xarumaha maamulka Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa xusay in Al-Shabaabkii qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Kismaayo hada aysan awood u lahayn in ay arrintaasi sameeyaan.

Waxa uu sheegay in Sarakiisha maleeshiyaadkaasi ย ay adeegsadaan dhalinyarada oo qaarkood uu sheegay in ay hada ku jiraan Xabsiyada Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Taliska Nabad Sugidda Jubbaland ay ka goโ€™an tahay sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee degaanada Jubbaland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa Shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amaanka guud ee degaanada Jubaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale