Guddiga Isku Dhafka BF Oo War Ka soo Saaray Wareejinta Kuraasta Ee Deegaan Doorashada.

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ah ee Dhammeystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taas oo ah in kuraastoodii golaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talo gal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin in ay dib u saxaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo hagaajin lahaa khaladkaasi jira ay la kaashan doonaan Guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan tallooyinka ay soo jeediyaan Xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo horyaalla Golaha ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey Goballada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...