Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgalo Ka Wada Gobalka Hiiraan

Date:

Taliyaha Ururka 39 Aad Qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa’uud ayaa sheegay in fuliyeen howlgal lagu adkeynayo amniga deegaanada hoos taga degaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu intaas ku daray, howlgalka u jeedkiisu yahay in la soo qabto kooxo falal amni daro ka geystay degaanka maalmo ka hor.

Maxkamadda ciidanka ee qeybtaas ayaa dhowaad amar ku siisay saraakiisha in ay soo qabtaan dadka ku howlan waxyeeleynta shacabka isticmaala inta u dhexeysa Beledweyne iyo deegaanka Jawiil.

Taliye ku xigeenka guutada 5 aad ee qeybta 27-aad Korneel Maxamed Cabdi Xasan ayaa sheegay in in ciidanku u taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ku hayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....