Wasaaradda Awqaafta Oo Daah Furtay Wajigii 2-Aad Ee Wacyigalin Diimeedka Ka Hortaga Covid 19+Sawirro

Date:

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa daah furay wajigii 2-aad ee wacyigalin diimeedka ka hortaga cudurka karoonaa feyruska waxaana iska kaashanaya xafiiska Ra.isulwasaaraha dalka Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada Awqaafta oo hormuud u ah.

Wasaarada Awqaafta ee Soomaaliya ayaana soo bandhigtay book ka hadlayo sida loo aasayo qofka udhinta cudurkaan covid 19 iyo sidoo kale cod baahiyaal loo qeybin doonaan masaajida ku yaalla caasimada iyo agabyo kale oo qeyb ka qaadanaya ololahan wacyigalinta sida uu sharaxayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafa Cumar faaruuq.

“Waa muhiim in aan tababarno dad ka shaqeeya aaska dadka u dhinta cudurka Covid-19 maadaama loo baahanyahay in la barto habka ugu macquulsan ee looga fijignaan karo faafitaankiisa lana aaso dadka u geeriyooda”sidaas ayuu yir agaasime Cumar Faaruq.

Sheekh Cabdul Jabaar oo ku hadlayay afka culumada iyo Kooshin Cabdi Xaashi oo ka socday Xafiiska Ra.isulwasaaraha dalka ayaa ku booriyay in lagu baraaruga fariimaha dowladda iyo bahda caafimaadka ee looga hortagayo cudurkaan qatarta ee Covid-19.

“Dadweynaha waxaa looga baahan yahay in ay qaataan fariimaha wacyigalinta ee lagu xakameynayo cudurkaan caalamka aafeeyay ee Karoonaa waxaana sidoo kale aan bogaadineynaa dadaalka wasaaradda”ayay yiraahdeen ka qeyb-galayaasha

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan dhuuboow  ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay xooga saarayaan wacyigalinta bulshada iyadoo loo maraya waxa ay diinta ka qabto sida loo wajahayo ka horataga cudurkaaan Karoona.

“Buugaan waxaa ugu talo galnay in dhammaan macluumka looga hortagi karo aan ugu bandhigna bulshada Soomaaliyeed waxaana gaarsiin doonaan dhammaan masaajida ku yaalla caasimada si dadka ugu baraarujino qatarta uu leeyahay cudurka Covid-19 ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Awqaafta Mudane Cismaan Aadan Dhuuboow

Dhanaca kale waxa ay cod baahiyaal oo ay ku jiraan sameecado iyo mikroofano iyo sidoo kale maaska afka lagu xerto ay gaarsiiyeen masjidka al-imaam ee degmada Waaberi  gobolka Banaadir waxaana dhammaan la geyn doonaan masaajida caasimada si dadka looga wacyigalinyo qatarta uu leeyahay cudurkaan safmarka ah ee Karoona Feyruska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...