Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Oo Kormeeray Xabsiga weyn ee Puntland Oo Burcad-badeed Kujiraan ‘Sawirro’

Date:

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir hawlo shaqo Ujooga Garoowe  ayaa Booqday Taliska Ciidamada Asluubta Puntland Iyo Xabsiga wayn ee Garowe, Waxaana  uu ukuurgalay xaalada Maxaabiista Xabsiga kujira’ isagoo warbixino kadhegaystay  Saraakiisha Ciidamada  Asluubta Waxaana loo Sheegay inay xabsiga udhamaystiranyihiin baahiyaha asaasiga ahi  Maxaabiistana labaro aqoonta maadiga ah, mida diiniga ah iyo weliba Xirdaha Farsamada Gacanta.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa booqday 26Maxaabuus oo kuxukuman falal burcad badeednimo  kuwaas oo dawlada soomaaliya ay kasoo wareejisay wadanka siishelis (Seychelles)si ay xukunkooda Dalka ugu dhamaystaan, Waxaana ay ka dalbadeen in dowladu kashaqayso sidii ay markale xoriyadooda dib  ugu heli lahaayeen.

Qaybo kamida Maxaabiista oo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa Codsaday in loo wareejiyo Xabsiga Wayn ee Xamar si ay eheladoodu usoo booqdaan, Dowladda ayaana  kudedaalaysa sidii ay dib xoriyadooda uheli lahaayeen iyadoon lagu xadgudbayn Shuruucda caalamiga ah ee laxiriirta Eedaysanayaasha lagu xukumay Arimaha burcad badeednimada.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maxaabiista usheegay in sida ugu dhaqsaha badan cidii baxaysa loogu wareejinayo xabsiga muqdisho ayna kashaqaynayaan sidii ay markale xoriyadooda uheli lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...