Jazeera oo Jiiday Jeenyo

Date:

Kooxda Kubada Cagta Jeenyo ayaa la kulantay guuldaradii sagalaad ee soo gaarta Sanadkaan Sagaal Kulan oo ay Ciyaartay Kulamada Horyaaka Soomaaliya kadib markii ay la Ciyaarta Kooxda Jazeera oo sanadkii hore ka soo dalacday Horyaalka heerka labaad ee dalka waxaana Jeenyo Looga adkaaday 1-0 kulan galabta ku dhex maray Garoonka Banaadir.

Guusha Kooxda Jazeera ayaa ah guushii sadexaad oo ay gaartay sagaal kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya waxaana ay ugu mahad celinaysaa Aghahowa oo u saxiixay goolka kaliya ay ugu adkaatay dhigeeda Jeenyo.

Jazeera hada waxay leedahay Toban dhibcood waxaana ay ka sare martay kooxaha Gadiidka iyo Madbacadda, ayadoo ku dhibco noqotay kooxda Kooxda Midnimo oo kaalinta lixaad kaga jirta kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya.

Jeenyo iyo Jazeera waa labada kooxod ee la kulmay guuldarooyinka ugu badan Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan, Jeenyo waxay lumisay 8 kulan Sagaal kulan oo ay soo Ciyaartay halka Jazeera laga adkaaday 5 Kulan Sagaal kulan oo ay soo Ciyaartay.

Jeenyo waa kooxda kaliya ee laga adkaaday 8 Kulan dhamaan Tobanka kooxod ee ku tartamaya Horyaalka, Sidoo kale waa kooxda kaliya ee aanan hal kulan barbaro gelin dhamaan Kulamada ay Ciyaartay.

Hal kulan oo quraa ayeey adkaatay dhamaan sideed kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan, waana markii ugu horeysay oo sidaan ay ku dhacdo Kooxda Jeenyo tan iyo markii ay ku soo biirtay Horyaalka Soomaaliya.

Guuldarooyinka Kooxda Jeenyo ayeey sabab ugu dhigeen Bulshada Ciyaaraha in Kooxda ay la soo diristay dhaqaale la,aan aad u xoogan waxaana sabab ay u noqotay in dhibcaha kooxda ay ku tashtaan kooxaha kale.

2017-kii ayeey ahayd markii kooxda ay lumisay 7 ka mid ah safka hore ee kooxda, Waqtigaasi wiixi ka danbeyayna kooxda waxay ahayd mid la daala dhaceysay guuldarooyin aysan qaadin Karin Jamaahirta Kooxda Jeenyo oo xili ciyareedkan u muuqda mid Kooxdooda sababi karta in at u laaban karta Horyaalka Heerka labaad ee dalka Hadii aysan sidaan wax iska badalin.

Dhanka kale Jeenyo ayaa sidoo kale ah Kooxda goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya, 25 gool ayaa laga dhaliyay waxaana shan gool ay dheer tahay kooxda Jazeera oo ah Kooxda Labaad ee goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya oo ay la Ciyaartay galabta kulankeeda ugu danbeeyay wareega hore ee Horyaalka Soomaliya.

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...