Home Blog Page 937

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Booqday Ciidamo loo Diyaarinayo Howlgalladda Lagu Baacsanayo Argagaxisada “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada argagaxisada dalka looga saarayo.

R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka difaacaya.

Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciidamada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guullo wax ku ool ah ka soo hooyeen howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Shir Lagu Taageerayo Dhaq-Dhaqaaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maamul U sameynta Galmudug oo Maanta Ka Dhacay Dhuusomareeb ‘Sawirro’

0

Dhuusomareeb (SNTV) Kulankan oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ee ku dhaqan gudaha degmada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa maanta si buuxda loogu taageeray dadaalka iyo juhdiga ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bixinayso dardargelinta dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay dadku soo doorteen ka hirgala guud ahaan gayiga gobollada iyo deegaannada Dawlad gobolleedka Galmudug.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa dhammaan dadkii ka qayb galay waxa ay bogaadiyeen islamarkaana ay soo dhoweeyeen dadaalka iyo dhaq-dhaqaaqa Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay dadku u helaan maamul ku yimid wadar oggol, cadaalad islamarkaana leh ay u dhan yihiin matalaadiisa dadka reer Galmudug

ka qeyb galayaasha shirkan ayaa u rajeeyay shirka maamul u sameeynta Galmudug ee haatan howshiisu ka socota gudaha magaalada Dhuusomareeb inuu noqdo mid najaxa oo wixii ka soo baxa uu noqdo maamul lagu diirsado una adeega dadywga ku dhaqan guud ahaan gobollada iyo deegaannada Galmudug ka kooban tahay, iyagoona ka digay in laga hortago cidkasta oo isku dayda in ay qas iyo jahawareer siyaasadeeysan ay ku abuuraan habsami usocodka shirkaasi.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay islamarkaana ka qayb galay bulshada rayidka waxaana loogu talo galay in ay dadka Galmudug ay ku muujiyaan baahi loo qabo in la horumariyo deegaannada Galmudug si ay ula jaan qaado dawlad gobolleedyada kale ee ka jira gudaha dalka.

Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed oo maanta u qeybisay Buugaag qaar kamid ah Maktabadaha magaalooyinka dalka “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Illaa shan kun oo buugaag ah kuwaasi oo isagu jirta Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ayaa maanta ay maktabadda Qaranka Soomaaliyeed ku wareejisay ugu yaraan shan maktabadood oo ku kala yaala magaalooyin ay kamid yihiin Beled-weyne, Garoowe, Baydhabo, Guriceel iyo Luuq oo katirsan gobolka Gedo.

Wareejinta buugaagtan oo ka dhacday xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed ahna hoyga faafinta hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Maktabadda Qaranka, Hormuudka Machadka Afka iyo Dhaqanka iyo bahda qalin leeyda oo ay ugu horreeyaan shanta maktabadood oo ku guulleystay in loogu deeqo buugaagtani.

Agaasimaha Hormuudka Machadka Afka iyo Dhaqanka ee Akadeemiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed Prof. Maxamed Cilmi oo hadal kajeediyay ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta maktabadaha magaalooyinka dalka ay muhiimad gaar ah siiyaan gudbinta fariimaha Akhriska iyo qoraalka waxaana uu ugu baaqay in ay nidaam casri u bedelaan maktabadaha si ay ula jaanqaadaan maktabadaha caalamka.

Maktabadaha kuyaala magaalooyinka dalka ayaa ka shaqeeya dhiirigelinta akhrista buugaagta cilmiga waxaana ka shaqeeya dhalinyaro aqoonyahanno ah oo gacan ka siiya dadka sidii lagu gaarsiin lahaa buugaagta aqoon darsiga iyo cilmiga.

Buugaagta la qaybiyay ayaa ka kooban buugaag ay qoran yihiin Siyaasadda, Dhaqaalaha, Suugaanta iyo Dhaqanka.

“Waxaan ku guuleysanay inaan kor kala socono maktabadaha iyo daruufaha ay ku shaqeeyaan si aan ugala shaqeyno dhammeeytirka baahiyaha ay qabaan” sidaasi waxaa yiri Maxamed Axmed Shiil oo ah Agaasimaha Maktabadda Qaranka.

Qeybinta buugaagtan oo ay ka soo shaqeysay Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed iyadoo la kaashanayso Maktabadda dalka Jordan ayaa waxaa ay qayb ka ah faafinta iyo dhiirigelinta Akhrista iyo qoraalka farta  Soomaaliga howshaasi oo ay qeyb weyn ku leedahay Maktabadda Qarankeena Soomaaliya.

Maktabadda Qaranka oo ah keyd taariikhda dalka ayaa dib loo howlgeliyay sanadkii 2012-kii, iyadoo xarunteedii hore dib loogu dhisay barnaamijka isxilqaan oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday.

Maktabadda ayaa dhowr jeer oo kala duwan u qeybisay buugaag muhiim ah oo ay ka faa’iideeysteen dugsiyada iyo jaamacado badan oo kuyaala dalkeena gobollada dalkeena Soomaaliya.

Odawaa Yuusuf:  Taliyaha Cusub ee CXD Oo Maanta Xilka Kala Wareegaya Indho-Qarshe Oo Ahaa Taliyihii Hore ee CXD Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Xaflad uu xilka kula wareegayo taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxa ay haatan si habsami leh uga socotaa gudaha xarunta Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimaya ayaa waxaa ka qeyb galaya kamid ah Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo koox fanaaniin ah oo halkaasi ku soo bandhigaya suugaan ku aadan guubaabada ciidamada iyo taliyaha xilka loo magacaabay.

Taliyaha Cusub Jeneraal Odawaa Yuusuf ayaa bartamaha bishan August ee 2019 loo magacaabay xilka taliyaha ciidanka Xoogga Dalka isagoo maanta xilka kala wareegay Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ‘Indho-qarshe’. oo ahaa taliyahii hore ee CXD Soomaaliya oo dhowaan xilka laga qaaday.

CXD Soomaaliya ayaa kujira howlgalaya qayb ka ah guluf colaadeed oo ka dhan ah kooxaha nabad diidka ee argagaxisada xiriirka la leh ee Al-Shabaab kuwaasi oo wajahaya dagaal xooggan oo inta badan laga xoreeynayo qaar kamid deegaanno kuyaala gobollada gaar ahaan dhinaca gobolka Shabeelada hoose.

Kooxda ayaa si weyn loo wiiqay iyadoo laga saaray tuullooyin iyo degmooyin badan oo kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose sida Sabiib, Caanoole, iyo degmada Awdheegle halkaasi oo ay nabad diidku muwaadiniinta Soomaaliyeed ku hayeen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

 

Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka Heer Federaal & Heer Dawlad Gobolleed oo Ka Furmay Garowe ‘Sawirro’

0

Garowe ( SNTV) Waxaa maantay magaalada Garowe ee Puntland si rasmi ah uga furmay shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed.

Shirkan oo ay si wadajir ah uga qeyb galeen Guddiga La Socodka ee Dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu Shirkan soconaya muddo seddex maalmood ah,iyadoo looga tashanayo cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobodaareed) oo shirkaasi si rasmi ah u furay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijooyin miro dhal ah ay ka soo baxaan dadaalada loogu jiro dib u eegista Dastuurka.

 

 

Hanti- dhowraha Qaranka “ Ujeedada aqoon-iswaydaarsigaan waa tayaynta iyo xoojinta xirfadda Hanti-dhowrnimada

0

Hantidhowrka guud ee qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa maanta Muqdisho uga furay howlwadeenada xafiiska hanti dhowrka qaranka,kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir tababar ku saabsan xoojjnta iyo tayaynta xirfadooda.

Aqoon isweydaarsigaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay nimaadka casiriga ah oo ay u shaqeeyaan xafiisyada hanti dhowrada caalamka, waxaana ka qeybgalaya howlwadeennada Hanti dhowrka guud ee qaranka, kuwa maamul goboleedyada,gobolka Banaadir, aqoonyahanno iyo qubaro xafiiska hanti dhowrka qaranka Kala shaqeeya dhinaca sharciga.

Hantidhowrayaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay baahi ay u qabeen dhinaca horumarinta nidaamka baarista shaqada xafiisyada, waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kala ah.

Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye oo furay aqoon isweydaarsigaan ayaa sheegay in ula jeedada laga leeyahay ay tahay in dalka la gaarsiyo nidaamka hufan oo Isfahan iyo shaqo karti leh ugu adeego bulshada iyadoo ay ka mid tahay in daacadnimo dalka loogu shaqeeyo.

Kulamdaan ayaa ah mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan dhammaan xafiiisyada hantidhowrka heer qaran iyo heer maamul gobaleed, waxaana diiradda lagu saari doonaa dejinta qorshahe horumarsan ee la  doonayo in dalka la gaarsiiyo nimaadka casriga ah ee ay ku shaqeeyaan xafiiskayada hanti-dhowrayaasha Caalamka

Wasiirka Warfaafinta XFS Soomaaliya oo Maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Qoyskii AUN Duqii hore ee Muqdisho Eng-Yariisow

0

Allaha Unaxriiste ehlada Guddoomiyhii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow (Eng. yariisoow ) ayaa maanta Boqasho ku yimid Xarunta wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Fedraalka ah ee soomaaliya.

Waxaa soo dhaweeyay Maamulka Wasaaradda Warfaafinta,waxayna sidoo kale kormeer ku tageen qeybaha Warbaahinta Qaranka,sida Tvga Radiyah iyo keedka hadalka radio Muuqdisho.

Mas’uuliyiinta Wasaardda oo uu ugu horeeyo Wasiirka,agaasimaha guud,agaasimayaasha waaxyaha ayaa ka qeybgalay kulanka soo dhaweynta ah.

Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisoow ayaa oga mahadceliyaya masuuliyinta wasaaradda warfaafinta sida ay ogu soo dhaweyeen xaruunta wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga tacsiyay qoysa Eng yariisoow geerida aabohooda, isagoo sheegay in waxyaabo muuqda uu dalka u qabatay marxuumka intii uu noolaa.

Allaha Unaxriiste Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow Eng. yariisoow ayaa labo mar wax uu wasiir ka soo noqday Wasaaraddan Warfaafinta Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Japan uga qayb galaya Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan oo dalkaas ka furmaya

0

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB-GALAYA SHIR MADAXEEDKA 7AAD EE ISKAASHIGA AFRIKA IYO JAPAN

Muqdisho, Ogoosto 26, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD).

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkooda dib u dhiska dalka.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Caws-Qurun

0

(Muqdisho, 25 Agoosto 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.

“Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wasaaradda Boostadu waxa ay hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed.