Home Blog Page 912

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Degmada Jilib

0

War saxaafadeed kasoo baxay hawl-galka Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar dhanka Cirka ah oo ay ka geysteen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weerarkan oo iska kaashadeen AFRICOM iyo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaan ka mid ahaa Argagixisada.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in la qaarajiyay mid kamid sarkiisha maleeshida Al-Shabaab kaa oo sida ay shegeen xiriir la lahaa uruka Al-qaacidda.

Ku-xigeenka hawl-gallada Africom, Miguel castellanos ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qeyb ka yihiin kooxaha Argagixisada ee Dunida ka jira.

Wuxuuna ballan qaaday in ay sare u qaadi doonaan weerarrada ay ku cirib tirayaan Maleeshiyada kuna beegsiga goobaha ay kaga dhumaaleeysanayaan Goballada Dalka.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Taliye cusub u Magacaabay saldhigga Degmada Wadajir

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal; Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa Saciid Cali Maxamuud u Magacaabay taliyaha saldhigga Degmada Wadajir,

Wareegto kasoo baxday Xafiiska taliska Booliska ayaa xilkii Saldhigga looga qaaday taliyihii hore ee saldhigaaasi Cabdi-baasid Maxamuud Cagey.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyaa ayaa ugu taliyaha cusub usoo jeediyay in uu xilka loo igmaday u guto si dacaad ah, maamumkana ay ka taageeraan howl Maalmeedkooda.

Magacaabista saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa qayb ka ah dedaallo ladoonayo in lagu laba laabo wax qabadka laamaha ammaanka ee Caasimadda.

Ciidamada Hirshabelle oo hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Duleedka Jawhar

0

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada Al-shabaab ka wada duleedka magaalada Jowhar oo xalay maleeshiyadu ay isku dayday in ay weerar gaadmo ah ku soo qaado fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka magaalada.

Ciidamada ayaa fashiliyay weerarka oo argagaxisadu ay dooneysay in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Jowhar, waxaana iska hor imaad kooban oo ka dhacay duleedka buundada xaafadda Buulo-sheekh ee barigga magaalada lagu kala ceyriyay maleeshiyadi dooneysay in ay carqaladeeyaan ammaanka caasimadda Hirshabeelle.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in dadka shacabka ah aysan soo gaarin wax khasaare ah, waxaana  ciidamadu ay saaka u ruuqaansadeen deegaanno dhaca duleedka bari ee magaalada Jowhar, iyagoo  tuulooyinka hoostaga ka wado howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna baadigoobayo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Horjooge ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

0

Xudur(SNTV)-Ciidamada  Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa Horjooge Sare oo ka tirsanaa maleeshiyayada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi.

Horjoogahaan oo lagu magcaabo Colaad Cabdiraxmaan Maxamed Xerow,ayaa Kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab ka tirsanaa 11 sano, Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim ayaa sheegay in ninkaan uu markii hore xiriir la soo sameeyay kadibna uu isu soo dhiibay  ciidamada Xoogga dalka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa uga mahadceliyay ciidamada Xoogga dalka dadaalada ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen haradiga kooxda Al–shabab ee dhumaaleysiga ku jira.

Colaad Cabdiraxmaan Maxamed xerow ayaa tilmaamay inuu kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab ugu  shaqeyn jiray Darawalnimo, islamarkaana uu isaga soo baxay fikirkooda, kadib markii uu adkeysan waayay waxyaabaha ay sameynayaan oo aan raadka ku laheen shareecada Islaamka.

Howlgalada iyo wacyigelinta ay Ciidamada Xoogga Dalka ka sameeyen gobalada dalka ayaa waxaa ay keentay in ay isi soo dhiibaan maleeshiyaadka horay uga tirsanaa Al-shabaab gaar ahaan Horjoogayaasha, kuwaasi oo ka soo laabanaya Fikirka Xagjirka ah ee kooxda ku dhibaateyso shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlagaladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen gobalada Bay iyo Bakool waxaa ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay maleeshiyadku ku sugnaayeen.

Ciidamada Dawladda Suuriya oo si Buuxda ula Wareegen Magaalada Xalab ee Dalkaas.

0

Ciidamada Dawlada Suuriya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Xalab oo kamid deegaanadii ay iska hor imaadyada xoogani ku dhex mareen kooxaha mucaaradka dalkaasi Suuriya.

Wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada xukuumadda Suuriya ee ka amar qaata Madaxweyne Bishaar Al-sasad ay si buuxda ugu suurta gashay inay hantiyaan gacan ku haynta magaalada Xalab oo kamid ah deegaanada ugu muhiimsan ee dhinacyada Suuriya isku haya ay doorbidayeen gacan ku haynteeda.

Dhanka wararka ka imaanaya  dalka Suuriya ayaa sheegaya in 4 ruux  oo rayid ay ku  dhinteen qarax ka dhacay magaalada Tal-abyad ee waqooyiga dalka Suuriya,qaraxa ayaa waxaa  sababay gaari lagu soo raray walaxa  qarxa oo la dhigay waddo  dhinaceeda oo ah meel ay dadku ku badan yihiin,gaariga qarxay ayaa la sheegay in laga hagayay rimuudka gacanta.
Laamaha amniga ayaa rumeysan in qaraxaasi ay fuliyeen kooxaha argagixisada ee dalka Suuriya mudooyinkii danbe weerarada ka geysanayay ,waxayna  caadaystay dhibaataynta shacabka aan waxaba galabsan,waxaa la sheegayaa in qaraxan wadada la dhigay ee magaalada Tal-abyad ay si joogto ah u isticmaalaan ciidamada Suuriya ee dagaalka kula jira kooxaha mucaaradka iyo argagixisada dalkaasi .

 

Daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Mahadaay

0

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane Saalax Fuleel Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka degmada ay ka jirto daawo la’aan,isagoo tilmaamay in xilligaan aysan degmada ka jirin goobo caafimaad oo lagula tacaalo bukaanada.

Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyay cudurro soo rita dadka deegaanka maadaama lagu jiro xilliga kuleelaha waxa uuna sheegay in illaa iyo hadda hal qof uu ugu dhintay cudurka shuban biyoodka tuulada Mareereey halka laba kalane xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Guddoomiye arrimaha bulshada Saalax Fuleel ayaa Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle ugu baaqay in daawo lasoo gaarsiiyo isbitaalka degmada Mahadaay oo dadka dantayar ay ku tiirsanaayeen, isagoo intaa ku daray in hadda dadka xanuunadu ay soo ritaan loola cararo magaalada Jowhar.

Degmada Mahadaay ayaa waxaa hoostaga in ka badan 40-tuulo oo dhammaantood aan lahayn goobo caafimaad oo ka jawaabi kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka.

Wasaaradaha Howlaha Guud ee DFS & Kuwa D/Goballeedyada Oo Shir Uga Soconaya Muqdisho

0

Shirkan oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Howlaha guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Wasaaradda Howlaha Guud DFS iyo Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada Dalka iyo Wakiilo ka socda hay’adda Qaramada Midoobay ee Xagga Mashaariicda UNOPS, waxaana looga doodayaa Tayeynta mashaariicda Shaqaalaha ee Wasaaradaha Howlaha Guud SSIWPP.

Mudane Jamaal Xasan Cismaan Wasiir Ku xigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer dowlada goballeed ay wadashaqeyn buuxda ka dhexeyso, wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wadajir ah u soo qabteen iyagoona ku guuleystay sida uu sheegay wasiirku.

Axmed Nur Sheekh Maxamed oo ah Wasiirka Howlaha Guud Ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magaca Maamul Goballeedyada ayaa ku ammaanay Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer maamul Goballeedyada.

Dadka ka qeyb galaya Shirkan ayaa ka faa’iideysan doona sidii ay uga shaqeyn lahaayeen teyeynta shaqaalaha si u qabtaan adeegyada uu qaranku uga baahan yahay iyagoo kaashanaya aqoonta iyo khibradda ay ka helaan inta uu socda shirkani.

They can choose to get essays for various functions like academic quotation writing, creative writing, and business writing.

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS Oo La Kulmay Ardayda Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Dalka Uganda

0

Munaasabadaan ay soo qaban qaabiyeen rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa marti waxaa ku ahaa wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Guddoomiyaha degmada Marko, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur), aqoonyahannada Soomaaliyeed, guddoomiyaasha Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Khudbad qiimo badan ka jeediyay Munaasabadda ayaa ardayda uga sheekeeyay xaalada dalka si guud, fursadaha Aqoonyahanka u banaan xilligaan iyo Hormarka aay Dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Wasiirka oo la hadlayay ardayda wax ka barata dalka Uganda ayaa sheegay in deyn cafinta ay meel wanaagsan mareyso, isagoo carrabka ku adkeeyay in waqti badan Xukuumaddu gelisay arrintaasi iyada ah si dalku u gaaro horumar dhanka Maaliyadda ah.

Dhankooda Rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda uga mahad-celiyay gacansiinta ardayda Soomaaliyeed iyo sida ay uga shaqeeyaan in ardaydu ay kulamo la qaadato madaxda dalka Uganda u timaada howlaha shaqo, iyagoo Wasiir Warfaa iyo masuuliyiinta kale ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan magaalada Kampala uga qeyb galaya shir looga hadlayay arrimaha Xuquuqda Shaqaalaha isagoona sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Qurba joogta Soomaaliyeed eek u sugan gudaha magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Hogaamiyaal ka tirsan Daalibaan oo lagu dilay gudaha Dalka Afghanistan.

0

Shahraa-yar Mascuud oo ka mid ah hoggaamiyaasha ugu waaweyn kooxda Daalibaan oo ka hawli gali jiray dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa lagu dilay Afghanistan, wuxuuna si gaar ah hoggaanka ugu hayay kooxda mintidiinta ah ee Xakiim Al-mascuud oo ka tirsan xoogagga Daalibaan.

Bayaan ay soo saartay xarakada Daalibaan ayay ku sheegtay in Shahraa-yar Mascuud uu dhintay kadib markii loo dhigay miinada dhulka lagu aaso meel waddada dhinaceeda ah, xilli uu ku siijeeday gobolka Kunaar oo ku yaalla waqooyiga Afghanistan.

 

Deegaanka Ooda-gooye ee gobolka Sool oo dab ka kacay.

0

Wararka aan ka heleyno dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada Laas-caanood gobolka Sool ayaa sheegay in halka uu ka kacay Dab xoog leh,dabka ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii fiday deegaano horleh waxana socoto dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo Dabka.
Qoysas farabadan oo daganaa baadiyaha laas –caanood aya lagu soo waramayaa in ay bilaabayn in ay ka barakacaan guryahood iyagoo ka cabsi qaba in Dabka uu ku sii fido deegaanada ay ku nool yihiin.
Ilaa hada lama oga sababta keentay dabka,  dabylah todobadkan ayaa waxaa laga dareemay qaar kamid ah gobolada dalka dabeylo kuwaas oo sahalay in dabku si deg-deg ah ugu  sii fido dadka dagan dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada laas-caanood ee gobolka Sool.