Home Blog Page 752

Duqa Muqdisho oo u hambalyeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed maalinta dhalinyarada Adduunka.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada adduunka oo sannad walba la xuso 12-Ogoosto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalintaan ay ahmiyad weyn u leedahay dhallinyarada adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay dadaalkooda ku aaddan dowlad dhiska oo uu sheegay in ay meel dheer kasoo billaabeen xilligii gumeystaha, xurnimadiina ay ahaayeen kuwo dhaliyay illaa haddana ay u dhintaan difaaca dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xusay in dhallinyaradu ay dowladda hadda jirta ay kaalin weyn ku leeyihiin dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha iyo qeybaha kale, wuxuuna sheegay in ahmiyada koowaad uu Madaxweyne Farmaajo siiyay dhallinyarada siddii ay qeyb uga noqon lahaayeen maamulka.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in muddadii uu xafiiska joogay uu ahmiyad gaar ah siiyay dhallinyarada oo uu udhisay xarun ay leeyihiin, taas oo ka kooban qeybo muhiim ah sida hoolalka shirarka iyo xafiisyo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)ayaa ugu dambeyn dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Caasimadda ugu hambalyeeyay 12-ka Agust, isagoo  ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dowlad dhiska, si dalku uu ugaaro hormar weyn.

Maanta oo kale 12-ka Ogoosto sannad walba ayaa adduunka looga dabbaal degaa maalinta dhallinyarada caalamka.

Ilhaan Cumar oo guul ka gaartay wajiga 1-aad ee doorashada.

0

Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar maxamed, oo ku magac dheer Ilhaan Cumar, kana tirsan Golaha wakiillada dalka Mareykanka ayaa guul aad u wayn gaartay, kadib markii ay ku guuleysatay isreebraabka kursiga xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Minnesota

Tartanka doorashadan oo si weyn ula tartamay Antone Melton-Meaux iyo musharaxiin kale ayay Ilhan ka gaartay guul weyn.

Guusha kadib ayay Ilhan Cumar boggeeda Twitterka waxa ay ku sheegtay in abaabul weyn loo galay sidii kursigeeda looga guuleysan lahaa.

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korortay”.

Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si wayn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.

Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya ka soo jeedda ee heerkaas gaarta, sidoo kalana waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Maraykanka.

Xoogga dalka oo u gurmanaya Dad rayid ah oo la dagaalamaya argagaxisada.

0

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ku baxay deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20-km u jira deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaddib markii maleeshiyada Al-shabaab ay dagaal ku soo qaaday dadka deegaanka oo ka biyo diiday amarro ay dul dhigeen.

Dagaalka ay maleeshiyada argagaxisadu kusoo qaaday dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaanka Shabeellow aroortii hore ee saaka ayay wararku sheegayaan in uu ka dambeeyay kaddib markii maleeshiyadu ay isku dayday in ay baad ka qaataan dadka deegaanka,taas oo ay ka biyo diideen dadka rayidka ah ee halkaas ku nool.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo naftooda u huray in ay iska xureeyaan cadowga kusoo duulay deegaannadooda,waxaana hadda deegaanka kaabiga ku haya ciidanka xoogga dalka si ay u baacsadaan argagaxisada oo aan awoodin in ay u babac dhigaan ciidanka Qaranka.

Muddooyinkii dambe shacabka Soomaaliyeed ee nool deegaannada ay ku suganyihiin maleeshiyada Al-shabaab ayaa ku baraarugay dhagarta argagaxisada, waxeyna billaabeen in ay la dagaalamaan si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan,iyadoo cadowga jab xooggan la gaarsiiyay.

Kulanka Golaha Shacabka oo goor dhaw furmaya.

0

Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhaw kulan uga furmo xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa ay akhrinta seddexaad marsiin doonaan Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed,waxaana sidoo kale ajandaha ka mid ah Akhrinta warbixinta guddiga Dastuurka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka 10-aad oo waqtiga xilheyntooda gebo-gabo yahay ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka, iyada oo dhawaan Guddoomiyaha Golaha uu ku baaqay in la dardar geliyo Shaqooyinka Baarlamaanka.

AMISOM oo gar-gaar agab ah gaar siisay Dad ay saameeyeen Fatahaadaha Webiga.

0

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa maalinimadii shalay agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Mucaawinadaan oo ka kooban bustayaal, weelal,maro kaneecooyin iyo kuwo kale,waxaa ku deeqay Maamulka Amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan,gaar ahaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM.

Qalabkaan mucaawinada ah ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu yareeyo dhibaatada soo gaartay barakacayaasha oo  khasbanaaday inay guryahooda ugu cararaan daadadka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo booqday jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika+sawirro.

0

Danjiraha J.F. Soomaaliya ee  dalka Suudan Amb Mohamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagagey Jaamacadda Caalamiga ah ee looyaqaano Intenational University of Africa IUA,Asagoo u kuur galaayay xaaladda ardeyda.

jamacadda IUA waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu waweyn ee Dalka Suudan, islamarkaasi ah jaamacadda ugu badan ee dhigta Ardeyda Soomaaliyeed oo gaaraaya 1000 ardey.

Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Jaamacadda ayaa wuxuu la kulmey maamul aha guud ee cusub jamacadda Professor Yusuf Mukhtar Al
Amin,wuxuuna ugu mahadceliyay fursadaha waxbarasho oo aysiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

sidookale waxay kawada Hadleen waxyaabo la xiriira xoojinta xiriika labada Dal, Suudan  iyo Soomaaliya gaar ahaan xiriirka Jamacadda iyo safaaradda.
Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq waxaa  ku weheliyay kulanka Nasara Mohamed Ahmed oo ah uqeybsanahay Arrimaha waxbarashada iyo Cali Maxamed Maxamuud oo u qaabilsan Safaaradda xiriirka bulshada.

Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad goboledyada oo shir u furmay [Sawirro]

0

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyay shirka wasaaraddaha maaliyadda dowladda dhexe,dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray nidaamka maamulka iyo maaliyadda dalka iyo sidii wadajir looga wadashaqeyn lahaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale xoojinta arrimaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa ku wehlinayay wasiiru-dowladda wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda,waxaana goob joog ka ahaa wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan iimaan.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed.+Sawirro.

0

Sii hayaha wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka cusub ee waarfaafinta dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Ilyaas Siciid Cali.

Wasiir Maareeye ayaa waxaa ku wehlinayay qaar ka mid agaasimiyaasha wasaaradda sida Maamulka iyo maaliyadda,Howlaha guud, Tvga ,Sonna iyo xubo kale.

Soo dhaweynta kadib labada masuul ayaa waxa ay kormeereen dhammaan qeybaha wasaaradda si gaar ah warbaahinta dowladda Tvga, Radiyaha,Wakaaladda Qaranka ee Sonna iyo Wargeyska dalka, Waxaana lala wadaagayay qaab dhismeedyada iyo sida ay warbaahinta dowladdu ugu adeegto shacabkeeda.

“Maanta waxaan xafiiskayga ku soo dhoweeyey wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta ee dawlad goboleedka Koofur-Galbeed Mudane Ilyaas Siciid Ali iyo agaasimiihiisa guud, Labada masuul waxay booqdeen waaxyaha iyo qaybaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska iyadoo Agaasime waaxeed kastaa la wadaagay qaab dhismeedka iyo hawlaha waaxdu u hayso si ay qibrad uga helaan”  ayuu yiri wasiir Maareeye.

Guud ahaan xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo dib udhis balaaran, iyadoo sidoo kale la qalabeynayo warbaahinta dowladda, si loo xoojiyo waajibaadka ka saaran u adeegida bulshadda Soomaaliyeed.

 

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Shaaciyay tirada dadkii Ku dhintay weerarkii Xabsiga dhexe.

0

Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga dhexe ayaa sheegay in 15-ka maxaabiis ah ay ku geeriyoodeen weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsi dhexe iyadoo sidoo kale afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen.

Gashanle Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa iyo todobo ruux oo ka mid maxaabiista iyo halka askari ka tirsan ciidanka Asluubta.

“Waxaa ku geeriyooday shan iyo toban ka mid ah maxaabiistii xabsiga dhexe iyo askar ka tirsan ciidanka Asluubta waxaana socdo baaritaanno dheeraad oo ku salaysan dhacdadaasi waana la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed waxa soo kordho ayuu yiri Gashaanle Cabdiqani Maxamed qalaf.

Afhayeenka ciidanka Asluubta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hada ay xaaladda caadi tahay isla markaana ay socdaan  wali baaritaanno la xririiri sida ay ku suura gashay inay maxaabiista ay helaan hub.

Guddiga Amniga Golaha shacabka oo maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

0
Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ayaa kulan kula yeeshay xarrunta Villa Hargeysa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).Ajendaha kulanka ayaa ahaa katashiga Sharciga Socdaalka oo horyaala Guddiga.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadab Jimcaale  (Koofi) ayaa guddiga sharaaxaad ka siiyay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Socdaalka.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale waxa at agaasimaha weydiiyeen su,aalo la xarriiro sharciga Socdaalka dalka.

Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha Gudaha iyo amniga Xildhibaan Maxamed Cabdulle faarax (Geesey) ayaa uga mahadceliyay agaasimaha hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Col.Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) sharaxaada uu guddiga ka siiyay sharciga Socdaalka.