Home Blog Page 422

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo maanta kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya , ayaa maanta tababar usoo xeray waaxyaha shaqaalaha ee hey’adaha kala duwan ee dowladda

0

MUQDISHO: 19:09:2022, Xoghayaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane, Deeq Ciise Cumar ayaa maanta u soo xirey Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax-Qeebeedyada Hay’adaha Dowladda Tababarkii ku saabsanaa Maareynta Heshiisyada iyo waxqabadka Shaqaalaha (Contact and Performance Management Training).

 

 

Tababarkaan oo maalmahan guddiga shaqaalaha ay u qabteen hay’adaha dowladda ayaa waxaa ka faa’iidaystey dhammaan Agaasimeyaasha waaxyaha shaqaalaha iyo Madaxa-Qaybyada & Hawlwadeenada waaxyaha shaqaalaha 25 ka mid ah Hay’adaha Dowladda.

 

 

Ugu dambeyn, xoghayaha  ayaa shaqaalaha qaadanayay tababarkan kula dardaarmay in ay ugu faa’ideeyaan wixii ay barteen shaqaalaha isla markaasna ay dhaqangeliyaan aqoonta ay halkaan ka faa’iideen.

 

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr James Swan

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusu Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu kusoo dhaweeyay kulanna kula qaatay Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo Kuxigeenka Ergeyga ee Arrimaha Bini-aadannimada Mr. Adam Abdelmoula. Iyadoona kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Guud.

 

 

Danjire James Swan ayaa ugu horeyn Duqa Magaalada Muqdisho ugu Hambalyeeyay xilka marlabaad loosoo Magacaabay, asigoona u rajeeyay in uu waxbadan ka qaban doonno Horumarka, Dib-u-dhiska, Kobac dhaqaalaha, Amniga, Bilicda iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada. Taasi oo uu sheegay in Xafiiska QM ee Soomaaliya uu garab kusiin doonno Maamulka Gobolka Banaadir, sidii tiirarkaasi muhiimka ah loogu dhabeyn lahaa.

 

 

 

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Xaalada Abaaraha ee dalka ka jira iyo dadka kusoo barakacay Caasimada Muqdisho sidii loogu gurman lahaa, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda QM isaga kaashan lahaayeen u gurmashada Barakacayaasha iyo sidii gar-gaarka kadib xal waara loogu sameyn lahaa dadka kusoo barakacay Caasimadda Muqdisho.

 

 

 

Waxaa sii korortay tirada dhimashada maleeshiyaadka Alshabaab ee lagu laayay deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

0
Waxaa sii korortay tirada dhimashada maleeshiyaadka Alshabaab ee lagu laayay deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

Guddoomiye Madaale oo kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha Maamulka gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar, kulankaan oo ay goob joog ka ahayeen guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

 

 

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa mid isugu jiray is xogwareysi iyo islaxisaabtan ku aadan howlaha ay masuulka ka yihiin agaasimayaasha.

 

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in agaasima kaste lagula xisaabtami doono gudashada waajibaadka saaran, iyadoo lamagacaabay gudi kormeer ku sameen doono waaxaha maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose Xamar.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo ku xigeenkiisa oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa kulan kula qaatay Xafiiska Maamulka Gobolka Mudug Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Taliyaha Xabsiga Magaalada Gaalkacyo kulan ka kadib Masuuliyiinta ayaa Kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gaalkacyo iyagoona ukuur galay Xafiisyada, Dhismaha iyo Xaalada Maxaabiista Xabsiga.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha ayuu ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad goboleedka Jubaland oo si rasmi ah u furay Tababar ku saabsan ku dhafka Maareeynta Kheyraadka Biyaha

0

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Hussein Baraki ayaa si rasmi ah u furay Tababar ku saabsan is oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo kaa soo socon doono muddo 5 maalin ah, 18-22 September, 2022.

Tababarkaan ayaa iska Kaashanaya Wasaaraad Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Tababarkaa ayaa ujadasiisu tahay in kor looqaado awoodda Hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee arimaha Maareeynta Kheyraadka Biyaha si loo gaaro hadafka guud iyo hiigsiga Wasaaradda oo ah in kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.

Waxaana ka soo qeyb galay Tababarka masuuiyiin ka socday Wasaaradaha kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubaland , arday ka socotay Jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan Ururada Bulshada rayidka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ka soo qeyb galay furitaanka Tababarkaan ayaa Tilmaamay Faa’idada tababarkaan u leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ahmed Hussein Baraki Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad Goboleedka Jubaland oo tababarkaan daahfurayay ayaa u rajeeyay ka soo qayab galayaasha in si wanaagsan Tababarka looga Faa ‘ideysto

 

 

Madaxda caalamka oo ku sii qul-qulaya UK si ay uga qeyb galaan aaska boqorad Elizabeth

0

Boqor Charles ayaa maanta boqollaal madaxda caalamka ah iyo marti sharafeed boqortooyooyinka dunida ka socda kula kulmi doona qasriga Buckingham , iyadoo maalinta berri ah loo diyaar garoobayo aaska boqorad Elizabeth.

Madaxda la filayo inay ka qeyb galaan waxaa ka mid ah madaxweyne Biden. Biden oo xalay gaaray London wuxuu ka mid yahay ilaa shan boqol oo madaxda dalalka adduunka ah iyo marti sharafeed kale oo la filayo inay munaasabadda ka qeyb galaan. waxaa sidoo kale ah London ku sugan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Hindiya.

Raysal wasaareyaasha Canada, Australia iyo New Zealand ayaa iyaguna ka mid ah madaxda ku sugan Londona.

Xaaska boqor Charles, Camilla, ayaa khudbad la sii duubay uga qyeb qaadaneysa macsalaameynta boqoradda.

Raysal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay inay la kulmi doonto boqorka, amiirka  Wales iyo raysal wasaaraha Britain kahor aaska booqradda, iyo in sidoo kale ay Westminster Hall uga qeyb galeyso munaasabadda aaska.

Iyadoo ku sugan UK, oo ay u timid aaska boqoradda, ayaa Arden waxay sheegtay in dadka reer New Zealand ay ka siddo tacsi.

Waxay sidoo kale sheegtay inay la kulmi doonto raysal wasaaraha Britain Liz Truss.

Waxay intaa raacisay in laga yaabo inay kala xaajooto  arrimaha Ukraine iyo heshiiska ganacsiga xorta ah ee UK iyo New Zealand.

Baarlamaanka UK ayaa dhanka kale xaqiijiyay in maxdaxda Shiinaha lagu casuumi doono ka qeyb galka aaska boqoradda.

Safiirka shiinaha ee UK ayaa laga mamnuucay baarlamaanka UK sababo la xiriira cunaqabateyn uu shiinuhu saaray shan xildhibaan oo UK u dhashay.

Iyadoo mamnuuciddaas ay meel taallo ayaa baarlamaanka UK wuxuu sheegay inaysan saameyn doonin saraakiisha kale.

Madaxweynaha shiinaha Xi Jinping ayaa ku jira liiska martida lagu causumay aaska booqradda balse looma maleynayo inuu ka soo qeyb galayo.

Dhammaan dalalka uu xiriirka diblomaaisyadeed kala dhaxeeyo UK ayaa lagu casuumaa munaasabadaha aaska qaran ee dalkaas.

 

Dhaxal sugaha booqrtooyada Sacuudiga Maxammed Bin Salmaan ayaa isaguna ka mid ah martida lagu casuumay aaska, inkastoo ay cabasho ka timuid kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Masuuliyiin Galmudug katirsan oo deeq raashin iyo xoolo gaarsiiyay dadka deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka oo kooxaha argagixisada ka saaray deegaano hoos yimaada degmada Baxdo

0

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug oo deeq raashin iyo xoolo gaarsiiyay dadka deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka oo kooxaha argagixisada ka saaray deegaano hoos yimaada degmada Baxdo.