Home Blog Page 186

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa ICRC ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Xafiiska Hey’adda ICRC ee Soomaaliya Mudane Antoine Grand.

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Hey’adda ICRC ayaa ka wada hadlay dar-dargelinta shaqooyinka iyo mashaariicyada horumarineed oo ay ICRC ka fuliso Magaalada Muqdisho iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ee ka dhaca Gobolka Banaadir, iyadoona la isla qaatay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Hey’adda ICRC iyo Bisha Cas doorka ay ka qaataan howlaha bini’aadannimada, taageerida dhinacyada Caafimaadka iyo fulinta mashaariicyada horumarineed.

Agaasimaha NISA oo kulan la qaatay odayaasha deegaanka Tardo

0

Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), oo kulan gaar ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Kulankan oo si gaar ah loo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyadoo la doonayo in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada deegaanka.

Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageeridda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka.

Waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay in shacabka la baraarujiyo, lana xoojiyo wada-shaqeynta si looga hortagayo khatarta Khawaarijta.

Muqdisho oo marti gelinaysa ciyaartooy caalami ah

0

Maanta oo taariikhdu tahay 27 May Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho waxa uu martigelin doonaa ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxeysa labo koox oo kala meteli doona ciyaartoyda dalka iyo ciyaartoyda ajaanibta ah.

Kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda dalka waxaa ka soo muuqan doona qaar ka mid ah ciyaartoyda dalka iyo halyeeyada isboortiga dalka, halka kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda ajnabiha ah ay ka soo muuqan doonaan ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara dalka iyo ciyaartoyda martida ah kuwaas oo kala ah; Jay Jay Okacha, Samuel Eto’o iyo Emmanuel Adebayor iyo marti sharaf kale oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali maadama sida hab-maamuuska uu qabo kooxda martida ah uu hoggaamiyo masuulka martiqaaday.

Wasaaradda Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaaa taageerayaasha daneenaya daawashada ciyaartaas xiisaha lagu ku wargelisay inay garoonka soo xaadiraan xili hore si ay kaga gudbaan habraacyada amniga.

Waxaa sidoo kale taageerayaasha lagu wargelinayay in ay muujiyaan daganaan iyo ilbaxnimo maadaama beri ay magaalada Muqdisho diri doonto farriin caalami ah oo ku aaddan isboortiga iyo amniga dalka.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay hooyada iyo dhallaanka

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada,Dr. Guled Abdijalil Ali, ayaa ka qayb galay kulan doceed gaar ah oo ay isugu yimaadeen deeq bixiyayaal, hey’addo UN-ka iyo kuwa Caalami ah kaas oo lagaga hadalayay yareynta dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka iyo sidii looga heli lahaa Maalgalin Caafimaad oo ku filan.

Agaasimaha Guud oo madasha ka hadlay ayaa si gaar ah uga warbixiyay dadaaladi ugu danbeeyay ee Wasaaraddu hirgalisay oo ay kamid tahay soo kordhinta talaalada PCV iyo Rotavirus iyo qorahayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee ku aaddan yareynta dhimashada Hooyadda iyo Dhalaanka isago xusuusiyay bahwadaagta iyo deeq bixiyaasha shirka timid baahida loo qabo in laga dhabeeyo balan qaadyadi ku xusnaa qaraarka ay Soomaaliya horgeeysay Golaha Guud ee Caafimaadka Aduunka sanadkii tagay ee ku baaqayay in loo helo maalgalin ku filan Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka si loo yareeyo dhimashadooda loona gaaro yoolka caafimaadka loo dhan yahay UHC 20230.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulsha Xukuumadaa Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo hormarin lahaa Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka loona gaarsiin lahaa dhamaan dalka oo dhan.

Xubno ka socda Guddiga Doorashooyonka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo

0

Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Garoonka diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo Xubnaha Gudiga waxaa kuso dhoweyey Guddoomiye kuxigeenka Degmada Baydhabo, Xubno ka Socday Xafiiska Guddiga Doorashooyinka iyo Marti kale.

Socdaalka xubnaha guddiga ayaa ah sidii loo dardargelin lahaa islamarkaana loo bilaabi lahaa diiwangelinta codbixiyaasha.

Wasiirka Gaashaandhigga oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar

0

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar.

Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo ciidamada dalka Masar ee qeybta ah hawlgalka ciidamada AUSSOM iyaga oo sidoo kale isla eegay hindisayaal wadajir ah oo lagu taageerayo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaaliya.

Labada wasiir waxa ay hoosta ka xariiqeen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadaagga ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ayaa sheegay in Wasaaraddani ay tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, hoggaaminta wax-ku-ool ka ah ee ay ka sameeyeen dhanka horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-habeynta kaabeyaasha shaqo ee wasaaradda.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Shaqadan ay ku timid dadaalka Xukuuumadda ee ku aaddan dowlad wanaagga iyo hufnaanta adeegga bulshada loo hayo, iyada oo la xoojinayo hey’adaha dowladda, si ay u helaan xarumo shaqoada u qalma.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka tarjumaya dardargelinta habsami u socodka howlaha shaqo ee hey’adaha dowladda, isla xisaabtanka, iyo kor u qaadista adeegyada dowladdu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo ballan-qaadyadii Xukuumadda DanQaran ee xoojinta dowlad-dhiska.

Wasiir Cali Balcad “Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”

0

Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya,Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad),oo shalay ka hadlayay Kulankan latashiga ururada Siyaasadda iyo xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukuntay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadaallada madaxweynaha ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu helo isfaham iyo midnimo qaran, isagoo xusay in talooyinka iyo waayo-aragnimada madaxdii hore ay muhiim u yihiin geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

“Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”ayuu yiri wasiirka

Mudane Cali Balcad wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay wada-tashi qaran oo dhab ah si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed loona hormariyo dowladnimada Soomaaliya.

Shirka Wada-Tashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda Federaalka oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shir weynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheikh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Digniin kasoo saartay xilliga bad-xiranka

0

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Muddadan bad-xiranka waxay socon doontaa laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 September 2025.

Wasaaraddu waxay kuu wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladda badda ay noqon karto mid khatar ah. Sidoo kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado halis naf iyo hantiyeed ah oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada.

Ujeeddada wargelintan waa in la ilaaliyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha laga filanayo xaaladda cimilada ee badda xilligan. Wasaaraddu waxay ku dhiirrigelineysaa qof walba inuu si xilkasnimo leh uga jawaabo digniintan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qeybgalay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo howlwadeeno ka socda Wasaarada ayaa ka qayb galay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo ka dhacaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirweynaha guud ee WOAH waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta caafimaadka xoolaha, ka hortagga cudurrada iyo la tacaalidda khataraha cusub.

Wasiir Xasan ayaa madal heer wasiir ah ka xusay kaalinta muhiimka ah ee xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga ka hortagga iyo xakameynta cudurrada xoolaha, helitaanka tallaalka iyo adeegyada caafimaadka xoolaha.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la shaqeynta bahwadaagta caalamiga si loo dhiso nidaamyo adkeysi leh oo taageera ganacsiga xoolaha, nolosha reer guuraaga, iyo koboc waara.