Home Blog Page 186

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Wafdigii ka socday Tansaaniya ee soo gaaray Soomaaliya 

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi , oo ay weheliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Daud Aweis , iyo Danjiraha Soomaaliya ee Tansaaniya, Danjire Amb Ilyas Ali Hassan , ayaa si qiiro leh u sagootiyey wafdigii sharafta lahaa ee Tansaaniya ee soo booqday Soomaaliya.

Wafdiga Tansaaniya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Danjire Mahmoud Thabid Kombe waxaa ka mid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Siciid S. Muuse.

Munaasabadda sagootinta waxa ay ahayd mid lagu muujiyey xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo ballanqaadka wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dal. Waxaan si weyn u rajaynaynaa in walaalaheenna Tansaaniya ay markale nagu soo booqdaan Soomaaliya oo ah dhul leh dhaqan soo jiidasho leh, bilic dabiici ah, iyo martisoorkeedii aan la barbar dhigi karin.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1-President Hassan Sheikh Mohamud held talks at Villa Somalia with the Minister of Foreign Affairs of the United Republic of Tanzania, Mr. Mohamud Thabit Kombo and his delegation who is on a official trip to the country.

2-President Hassan Sheikh Mohamud launched the New Mogadishu Initiative, which includes the construction of a modern airport, an international port and the economic zone of Mogadishu.

3-President Hassan Sheikh Mohamud received in Mogadishu the Special Envoy of China in charge of the Horn of Africa Xue Bing.

4-President Hassan Sheikh Mohamud laid the foundation stone for the modern Gateway Complex project in Mogadishu, which is funded by Somali businessmen and will play a major role in the development of the economy and trade.

5-President Hassan Sheikh Mohamud chaired the meeting of the National Security Council, which discussed the country’s security situation, the war on terrorism, the Somali peacekeeping mission ATMIS and the preparations for the new AUSSOM mission.

6-President Hassan Sheikh Mohamud inaugurated the 15th Conference of the International Association of Somali Studies, which was held in Mogadishu after 35 years.

7- Prime Minister Hamsa Abdi Barre attended an event where the new Governor and Mayor of Mogadishu Mohamed Ahmed Amir took office.

8- Prime Minister Hamse Abdi Barre opened the Government, Businessmen and Society Cooperation Conference on the Plan to Prevent and Fight Terrorist Financing.

9- Prime Minister Hamsa Abdi Barre and the Speaker of the House of the People Sheikh Aden Mohgamed Nur attended the six-year anniversary of the tenure of the President of the South West Regional Government, Mr. Abdiasis Hassan Mohamed (Laftagareen) in Baidoa.

10- Prime Minister Hamsa Abdi Barre chaired a high level meeting that discussed government’s strategic communication.

11- Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, has visited the headquarters of the Ministry of Foreign Affairs, and praised Somalia’s diplomatic achievements in the international arena.

12- Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, visited the Ministry of Communications and Technology, and observed the smooth running of the Ministry’s work for the community.

13- The Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama, participated in an event to present a report on poverty levels, which was organized in a collaboration between the Ministry of Labor and Social Affairs and the National Statistics Agency.

14- The Deputy Prime Minister of Somalia Mr. Salah Ahmed Jama participated in an event where Somalia and Tanzania signed cooperation agreements and strengthening relations between the two countries.

15- The Minister of Foreign Affairs Ahmed Moallim Fiqi hosted a colorful dinner for the large delegation led by Tanzanian Foreign Minister Mohamud Thabit Kombo.

16- The Cabnet of the Federal Republic of Somalia held a special meeting to discuss some of the provisions of the Constitution that are being reviewed.

17- The Speaker of the House of the People, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, has received a comprehensive work reports from the Independent Commission for National Elections and Borders.

18- The Speaker of the Upper House Hon. Abdi Hashi Abdullahi held a meeting with the Parliamentary Constitution Review Monitoring Committee and the Chairman of the Independent Committee for Review and Implementation of the Constitution.

19- The Ministry of Interior has sent a call for peace to the fraternal communities that have been involved in the conflict in Eerigabo town in Sanaag Region.

20- The Ministry of Education has launched in Mogadishu the program to revise the Somali Education Development Plan (2022-2026).

21- The Deputy Minister of the Ministry of Foreign Affairs Isaaq Mohamud Mursal welcomed the special envoy of the Chinese government in charge of the Horn of Africa, Ambassador Xue Bing.

22- The Ambassador of Somalia to China, Dr. Hodan Osman Abdi held a meeting with Somali businessmen and the community living in Yiwu, China.

23- Today (20 December 2024) marks the deadline set by the Federal Government of Somalia for the registration of journalists affiliated with foreign international media.

24- The Minister of Agriculture and Irrigation, Mohamed Abdi Hayir Mareye, opened a workshop to confirm the needs and capacity, which was attended by the Ministries at the regional level.

25- The Minister of Planning Mohamud Sheikh Farah Beene Beene had a meeting with the new team leaders of Somalia Donor Group representing Britain, Switzerland and Sweden..

26- The Minister of Justice and Constitutional Affairs, Hassan Maallim Mohamud, who met with the Somali community in Turkey, briefed them on the progress achieved in the reform of justice, the process of completing the constitution.

27- Minister of Public Works Dr. Elmi Mohamud Noor sent off 25 civil engineers who will study the damaged roads in the regions of the country.

28- Somalia’s ambassador to Egypt and the permanent representative of the Arab League, Ambassador Ali Abdi Awaare, had a meeting with the Speaker of the Arab Parliament, Mr. Mohamed Ahmed Al-Yamahi.

29-The National Security Agency (NISA) is hunting Hassan Ali Mohamed, known as Hassan Afgooye, who is in charge of extortion in the Kharijites group Al Shabab.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley xaaladda amniga dalka, dagaalka argagixisada, hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

8-Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sanno guurada ka soo wareegtay muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looha hadley istaraatiijiyadda warbaahinta qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadiyay guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka gaartay ee saaxadda caalamka.

12- Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa u kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

13- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xoojinta xiriirka labada dal.

15- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho wafdiga ballaaran ee uu horkacayao Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania Mudane Maxamuud Thaabit Kombo.

16- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

17- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa warxibinno ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

18- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

19- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

20- Wasaaradda Waxbarashada ayaa Magaalada Muqdisho ka daah furtay barnaamijka dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya (2022-2026).

21- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa dalka kusoo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing .

22- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan iyo is-xog wareysi la yeeletay ganacstada iyo jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

23- Waqtigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabatey diiwaan gelinta weriyeyaasha ka hawlgala hay’adaha warbaahinta caalamiga oo maanta ku eg.

24- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon is-weydaarsi oo lagu xaqiijinayey baahiyaha iyo awoodda oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha heer maamul Goballeed.

25- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Sheekh Faarax Beene Beene ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-Bixiyeyaasha Soomaaliya oo kala matalayay dalalka Britain, Switzerland iyo Sweden.

26- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallim Maxamuud oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaarey dib-u-habeynta cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka dastuurka.

27- Wasiirka Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sagoontin u sameeyay 25 injineer oo daraasad ku soo sameyn doona waddooyinka burbursan ee gobollada dalka.

28- Safiirka Soomaaliya u fadhiya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.

29- Bayaan ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa lagu sheegay in lagu raad jooga xogta Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye kaas oo Al-Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Tanzania 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Arrimaha Dibidda Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay labada dal maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga dowladda Tanzania, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dhinac.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Tanzania 

0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminaayo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Tanzania ee TISS, Mudane Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray Muqdisho.

Intii ay socotay booqashadan ayay labada dhinac si weyn uga wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Madaxda hay’adaha Sirdoonka, ee Soomaaliya yo Tanzania, oo adkeeyay muhiimadda iskaashigan, ayaa kala saxiixday heshiis is af-garad ah oo lagu dar-dargelinayo doorka labada hay’ad ee dagaalka ka dhanka ah halista Argagixisada.

Iskaashigan, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasiloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo labada dhinac ay wadaagaan ujeeddada guud ee ka hortagga Argagixisada Bariga Afrika.                     

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo lagu soo dhaweeyay Garbahaarey

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah.

Ujeedka booqashada wafdigaan, ayaa la xiriira dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey.

Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo muhiim ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey wafdiga magaalada Garbahaarey, iyadoo shacabka iyo maamulka Degmadda muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Baydhabo

0

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad gobolleedka Koofur Galbeed, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo boqolaal Bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ujeedka Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed iyo ka qeyb galka Xafladda sanad guurada 6aad ee ka soo wareegtay Muddada uu Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Madaxweyne Lafta Gareen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlohooda shaqo iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in ay ka madax bannaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, islamrkaana ay ka feejignaadaan in ay dhinac gaar ah la saftaan, isagoo alle uga baryay in uu haleeshiiyo tubta toosan.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa qorshaha qabsoomida doorashada qof iyo cod ah,oo ay aheyd inay kasoo shaqeeyaan Guddiga.

 

Madaxweynaha JFS oo xaaladda dalka Suudaan ka dhagaystay siihayaha Safaraadda Suudaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo uga warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka Labada dal.

Danjire Baabakir ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka.

Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga.

Ugu dambeyntii, Madaxweynanaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil.

Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casho sharaf u sameysay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Tanzania, iyadoo la xoojinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo sidii loo sahamin lahaa wadashaqeynta dhinacyada muhiimka ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, Danjire Maxamuud Thabit Kombo, labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaqiijinta danaha wadaagga ah ee dhinacyada horumarka, amniga, iyo isdhexgalka Gobolka.

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, Fanka iyo Isboortiga ee Tanzania, Mudane Dr. Pindi Hazara Chana, iyo masuuliyiin kale kuwaas oo diiradda saaray horumarinta iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Wadashaqeynta caafimaadka ayaa si weyn u soo muuqatay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Tansaaniya, ay ka qeybgaleen munaasabadda.

Dhinaca difaaca, Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa la kulmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Tansaaniya, General Salum Haji Othman, si ay uga wada tashadaan istaraatiijiyadaha kor loogu qaadayo amniga iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Casho sharaftan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Mudane Xamse Xaadow, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Agaasime Waaxeedyo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Munaasabaddan heerka sare ahi waxa ay muujinayaa sida ay Soomaaliya iyo Tanzania uga go’an tahay kobcinta xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan, horumarinta labada dhinac, iyo iskaashiga gobolka si ay uga faa’iidaystaan labada dhinac.