Home Blog Page 1691

Guddoomiyayaal cusub oo caawo loo magacaabay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir

0

Caawa fiidkii ayaa xilka laga qaaday  15 ka mid ah gudoomiyayaashii degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la magacaabay 15 gudoomiyayaal cusub ah kuwaasoo bedelaya kuwii xilka laga qaaday.

Halkan hoose ka akhriso magacyada gudoomiyayaasha cusub ee hadda la magacaabay

1- Degmada C/casiis: Sharmaarke Maxamed Ladane

2- Degmada Kaaraan: C/fataax Nuur cali yaanyo

3- Degmada Shibis: Safiyo Sheekh Cali Jimcaale

4- Degmada Yaaqshiid:  Axmed Xasan Maxamuud

5- Degmada Howlwadaag:  C/kariin Cali Kaar

6- Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo

7- Degmada Dayniile: C/wali Nuur Faarax

8- Degmada Wadajir: Cumar C/llaahi Xasan

9- Degmada Dharkeenley:  C/raxmaan Siid cali

10- Degmada Shingaani: Basmo Cumar Axmed

11- Degmada xamerweyne: Cumar Shariif Maye

12- Degnada Xamar Jajab: C/wali C/llaahi Maxamed

13- Degmada Waabari Rowdo C/llaahi

14- Degmada boondheere:  Zeinab Yuusuf Wehliye

15- Degmada Warta Nabada Zeinab Maxamuud Warasame

R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka qayb galay kulan lagu taageerayey Xukuumadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmamey inay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

“Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu lee yihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yiri R/W kheyre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz , waxayna ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda, tasoo fursad siineysa dadka Soomaaliyeed si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada ah.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagay Dekada Muqdisho, gaar ahaan shaqaalaha qeybta Maaliyadda, waxuuna kala hadlay howlaha ka socda Dekeda, isagoo kula dar daarmey in ay la dagaalamaan musuq-maasuqa si loo helo dawladnimo lagu kalsoon yahay.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo furay xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada

0

Munaasabadda lagu furayay xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo uu maanta Muqdisho ka horgaliyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamanka, ururrada siyaasadeed iyo xubnaha guddiga doorashada.

Maxamed Cumar oo ah madaxa xafiiskan ayaa sheegay in hawlo balaaran ay horyaalaan si loogu guulaystana loo baahan yahay inay si wada jir ah u wada shaqeeyan ururrada siyaasadeed iyo guddiga doorashadu.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in malxalado kala duwan oo doorasho uu dalku soo maray, balse haatan ay u hawl galayaan in sanadka 2021-ka la gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Kamaal Daahir Guutaale oo ka mid ahaa xubnaha ka socday ururrada Siyaasadeed ee goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in la dhamaystiro xeerarka muhiimka u ah in dalku gaaro doorasho hufan.

Xildhibaan Zaynab Caamir oo ka tirsan guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka ee golaha shacabka ayaa ururrada siyaasadeed ku boorisay inay ka fogaadaan qabyaaladda si looga gudbo nidaamka wax ku qaybsiga 4.5 ee ay dowladda Federaalka wax ku qaybsato iminka.

Furitaanka xafiiskan lagu diiwaan galinayo ururrada siyaasadeed ayaa ka mid ah talaabooyinka loogu sii dhawaanayo in doorasho guud oo xor ah ay ka dhacdo dalka 2021-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo  ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono  Madaxweynaha Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulan kooda uga wada hadli doono xiriirka ka dhaxeeya labada Dal iyo sidii Dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa ladagaalanka kooxda Al-shabaab ee Xiriirka la leh ururka  Alqaacida.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uu kugada jiro Booqashadiisa waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda Dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka Jabuuti ,sido kale waxuu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo Dekad Cusub

Booqashada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  uu ku tagayo maanta Dalka jabuuti ayaa naqoneysa tii ugu horeesay ee uu ku tago Dalka jabuuti tan iyo markii ladoortay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo kulan sogootin ah u sameeyey Macalimiin Masaariya

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan sogootin iyo mahad celin iskugu jirta u sameeyay Macalamiin barayaal ka ahaa Iskoolada iyo Jaamacadaha ku yaala Muqdisho kuwaasoo ka yimid dalka Masar haatana dib ugu laabanaya dalkoodi,waxaana munaasbadan ka soo qayb galay Xildhibaano,qaar kamid Golaha Wasiirada iyo Macalimiinta la sogootinayay.

Wasiirka Waxbaraashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cosmaan ayaa mahad celin ka dib waxuu sheegey in Macalimiintan ay dalka joogeen Todobo bilood haatan ay dib ugu laabanayaan dalkooda,waxuu kaloo sheegay in dalka Masar iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis ka kooban Shan qodob kasoo la xiriira arimaha waxbarashada. Waxaana heshiiskaas kamid ahaa In Labo Iskool la siiyo macalimiinta Masaarida.

Macaliminta dalka Masar ayaa dhankooda ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey waxeyna sheegeen inay tagi doonaan dhamaan Gobolada dalka kuna faraxsan yihiin shaqada ay Soomaaliya ka hayaan,sidoo kale waxay casuumeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya inuu ku soo booqdo wadankooda si ay u kormeeraan goobaha waxbarasho ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay xiriirka ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya waxuun tilmaamay inuu yahay mid taariikhiya oo ku saleysan waxyaabo badan oo ku qotoma Waxbarashada,Ganacsiga iyo Siyaasada labada wadan, waxuuna cadeeyay inuu dalka Masar uu qayb wayn ka qaatay inay Soomaaliya dib u hesho xoriyadeeda wakhtigii Gumeysiga.

“Dowlada Masar iyo shacabkeeda waxey si wayn nooga taageereen dhanka waxbarashada wakhti ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen inay helaan aqoon dheeraad ah,waxeyna dhiseen goobo waxbarasho sida Iskoolka Amed Guray ee magalada Hargeysa” ayuu yiri R/W ku geenka Soomaaliya.

Ugu dambeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa u mahad celiyey macalimiinta iyo dowlada Masar sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Soomaaliya waxuuna ka codsaday inay sii wadaan taageerida shacabka Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasiirka Gargaarka XFS iyo wefdi ay hoggaaminayso oo gaaray Baydhabo

0

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed iyo wefdi ay hoggaaminayso  ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Wasiirka iyo Wafdiga ay hoggaamineyso  waxaa Magaalada baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh aadan .

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wado dadaalo wax loogu qabanayo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalada Dalka kuwaa soo ay saameysay Abaarta Dalka ka jirta Xiligan.

Warbixin ku saabsan xaaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya

0

Qiyaasyo la sameeyay illaa 4-milyan oo caruur ah ayaa si degdeg ah ugu  baahnaan doona kaalmooyin bini’aadanimo oo loo fidiyo Soomaaliya,inkastoo howlo badan oo gurmad ah laga fuliyay gudaha dalka.

Hey’adda ayaa sheegtay in qiimeyn la sameeyay ay muujinayaan in xilligga Jiilaalka ee soo socda ay sii jirayaan ama ay sii kacsanaanayaan xaaladaha qatar ee xagga macluusha,taasoo keeneysa in ay isku darsamaan raashin la’an iyo halista cudurada faafa.

Tirada dadka u baahan kaalmooyinka bini’aadanimo ayaa noqonaya 6.7 million oo dalka ah ,halka 3.2 million ay ku jiraan halis ama ay joogaan goobo qatar ah.

Illaa 7-kun oo kiisaska cudurka jadeecada ah ay lagu waramy in lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkaan,waxaana hey’adaha wadaaga la ah Unicef ay wadaan tallaal cudurkaasi ah oo sanadkaan laga tallaalayo 35-kun oo caruur ah

Dhinaca dadka ku barakacay aggaarka xarumaha magaaalooyinka ayaa la sheegay in dad gaaraya 30.kun oo barqakacayaal ah ay u baahan yihii in laga saacido adeegyada caafimaad sida fayo dhowrka iyo dhismaha musqulo si looga hortago halista cudurada,gaar ahaan xilligga roobabka.

Wasiirka Maaliyadda oo Kormeeray Dekadda Magaalada Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta booqasho ku tagay Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona kormeeray hawsha ka socota dekadda.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa si qoto dheer ugu kuur galay qaabka shaqaalaha u shaqeynayaan iyo sida ay canshuuraha u qaadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay Shaqaalaha Dekadda wuxuuna kala hadlay arimo muhiima oo u badan in la tayeeyo hawsha ka socota Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dowladda xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya, wuxuuna ugu dambeyn ku dhiiri galiyay shaqaalaha in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.

Booqashada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa imaaneysa xili uu dhawaan dekadda magaalada muqdisho uu booqday Ra’iisul waaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isagoona sidaan oo kale ugu guul galay shaqada ka socota Dekadda Muqdisho.

FALLO: Ciidamo gaar ah oo howgallo ka bilaabay Muqdisho

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howl galada xasilinta ee dhowaan lagu wado inuu ka bilowdo Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka, islmarkaana l;agu soo celinayo nidaamka iyo kala dambeynta, kaasi oo looga hortagayo falalka ammaan darro ee mar mar ka dhaca Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan howl gal lagu sugayo Muqdisho, ka hor inta aysan bilan bisha Ramadaan ee Barakeysan, taasi oo lagu yaqaan Kooxaha Nabad-diidka inay bishaasi bilaabaan inay falal isugu jira Dilkal, Qaraxyo iyo khal-khalgalin ka sameeyaan Magaalooyinka Dalkia Soomaaliya.

Wasiirka oo aarrintaasi sii ambaqaadaya ayaa yiri “Howl galada dhowaan ayay bilaaban doonaan, waxay Ciidamada amniga guri guri u baari doonaan Magaalada, si loo xasiliyo amniga Caasimadda”, isagoo sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay Al-Shabaab kordhiyaan weerarada, isagoo xusay in sababaha howl galada loo bilaabanayo ay ka mid yahay in la sugo ammaanka.

Arrintaasi uu Wasiirku ka dhawaajiyay ayaa waxay daba-joogtaa kadib markii ay Golaha Wasiiradu dhowaan soo bandhigay go’aanno lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda, iyadoo la sameeyay Ciidan isku dhaf ah oo ka qeyb-qaadanaya howlaha sugida nabadgalyada Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay booqday Xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho, kadib howlgal ay sameeyeen oo ay ku soo heleen hub iyo Aalado kale, iyadoo howshaasi ay durbadiiba muuqato sida ay uga jibba keeneen arrimaha loo xilsaaray Ciidamadaasi.

.Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey Ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan, isagoo xusay isla markaana sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo shalay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

Ciidanka ayaa sidoo kale isla shalay howlgal kaa la mid ah ka sameeyey Degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado, wuxuuna Ciidanka la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda, waxaana goobtaasi laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Waxaa kaloo jirta in Ra’isul Wasaaraha oo la fariistay shacab iyo arday ku sugneyd goobaha shaaha lagu cabo ee Degmada Wardhiigley, waxa uuna la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd oo uu ka wareystay xaaladooda, waxaana intii uu joogay halkaasi ku soo maray Ardey ka soo baxday Iskuulka ay wax ku baranayeen oo uu Ra’iisul Wasaarahu ka wareystay xaalada waxbarashadooda, iyadoo ay ka mid ahaayeen Dadkii uu la kulmay Gabdho ka yimid Magaalada London ee Cariga UK oo Degmada Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin inay Madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.

Haddaba waxaa shacabku ka dhur-sugayaan Ciidamadaasi gaarka ah ee loo unkumay xasilinta iyo sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho inay ka soo dhalaalaan howshaasi amni ee loo igmaday, islmarkaana waxaa laga doonayaa dadweynaha inay gacan ku siiyaan Ciidaankaasi habsami u fulinta howsha ay Ummadda u hayaan.

Qallinka: C/laahi Ruush

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilowday Gobalka Bakool

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka bilaabay Deegaano ka tirsan Gobalka Bakool Howlagalo looga sifeynayo  Maleeshiyaadka Argagixisada ee Alshabaab .

Sargaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobalka Bakool ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidamada ay qaadeen dhowr jidgooyo oo u tiilay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu dhibaaateen jiray shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.

“Ciidamada Xoogga Dalka oo kaa shanaya shacabka waxay ku guuleysteen in ay qaadaan jidgooyooyin ay dhigteen kooxda Alshaab ,waxaana Gobalka ka socda Howlagal ka dhan ah kooxdani caadeysatay dhibaateen Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Sargaalkan ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii dalka looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.