Home Blog Page 1059

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka qeybgalay shirka horumarinta Tiknolojiyada

0

Geneva (SNTV) Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyadda ayaa ka socda magaalada Geneva ee Dalka Swizerland,kaasi oo wadamada ka qeybgalaya ay Soomaaliya kamid tahay.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyada World Summit for Information Society (WSIS).

Inta uu socdo shirkaasi oo ah int au dhexeysa 8/ilaa 12 bishan April ayaa diiradda lagu saarayaa,aragtiyo iyo talooyin muhiim ah ee ku aadan kaalinta Tiknolojiyadda ee horumarinta bulshada.

Mudane Cabdi Sheekh Axmed Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa lafilayaa in kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda Hay’adaha kala duwan ee shirkaasi ka qeybgalaya,isagoo kalahadlaya xoojinta wadashaqeynta,maadamaa Soomaaliya ay kamid tahay wadamada haatan ku socda dhabaha horumarka ee dhinaca Tiknolojiyadda.

Siihayaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo xilka la wareegay

0
Kampala (SNTV):– Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) oo dhawaan dowladda Soomaaliya soo magacowday ayaa shalay xilka kala wareegay siihayahii hore ee Safaaradda mudane Cabdiwali Cali Faarax.
Mudanaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiinta, Uqeybsanayaasha ka howlgala safaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada
Mudane Cabdiwali Cali Faarax siihayahii hore ee Safaaradda ayaa munaasabadda kasoo jeediyay warbixin kooban oo kaga hadlay sida safaaradda u shaqeyso iyo qalabka safaaradda leedahay, isagoo u mahadceliyay howlawadeenadii safaaradda sidii wanaagsaneed ay ula soo shaqeeyey intii uu xilka haayay.
Siihayaha Cusub Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur)  ayaa isagana u mahadceliyay siihayahii hore ee Safaaradda iyo sida wadaniyadda leh uu uga soo shaqeeyay safaaradda iyo sida sharafta lahayd uu i ilaaliyay hantida qaranka.
Mudane Cali Cagabaruur ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, kana shaqeyn doono xoojinta dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, ganacsiga iyo fududeenta isu socodka labada dal.
Cali Cagabaruur ayaa sidoo sheegay in waxqabadka safaaradda halkiisa kasii wadi doono, si gaarana xooga u saari doono u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed si siman una qaban doono adeeg hufan, siihayaha ayaa intaas ku daray in bilicda safaaradda iyo tayeente adeega safaaradda.

Shirkii u dhexeeyay Hay’adaha Dastuurka Dalka ee Kismaayo oo War-murtiyeed laga soo saaray

kismaayo (SNTV):-Shirkii u dhexeeyay Hay’adaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Waxaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 7 Qodob ,hadaba Halka Hoose ka Akhriso:-

Shir Wadatashi ah oo socday  muddadii u dhexeysay 7 ilaa 9 Abriil 2019, laguna qabtay Magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa waxaa isugu yimid Hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo ka kooban Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddoonnada Baarlamaannada DXF, Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DXF, Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada DXF iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxaa furey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan. Waxaa shirka lagu soo bandhigay loogana doodey cutubyada 1aad ilaa 9aad ee dib u eegista lagu sameeyey.

Haddaba dood iyo falanqayn dheer ka dib, shirka waxaa soo baxay qodobada soo socda:

1) Shirka waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyay horumarka laga gaaray Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG.

2) Shirku wuxuu isku raacey fulinta qorshaha latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha iyo taariikhaha laqabanayo ee ku aadan cutubyada 1aad – 9aad ee dib-u-eegista lagu sameeyay.

3) Shirku wuxuu isku raacay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo la-tashiyada iyo wacyigelinta dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.

4) Shirka waxa uu dalbanayaa in si deg-deg ah loo hawlgaliyo Ergadii Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka u soo magacaabeen ka mid noqoshada Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

5) Shirku wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadaha Federalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka inay heshiis deg-deg ah ka gaaran qodobada u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed sida qodobada 54aad iyo 122aad si looga hortago dib-u-dhac ku yimaada dhameystirka  Dib-u-eegista Dastuurka.

6) Shirku wuxuu dhiiri-gelinayaa sii-xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga Hay’adaha Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

7) Ugu danbeyn, shirku wuxuu mahadnaq weyn u jeedinayaa  Dawladda iyo Shacabka Jubbaland soo dhaweynta iyo martigelinta Shirka. Waxaa sidoo kale loo mahadnaqayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, dowladaha, Hay’addaha Max Planck, UNDP  iyo hay’adaha kale ee caalamiga taageeradooda ku aadan dib-ueegista dastuurka  iyo dhameystirkiisa.

-Dhammaad-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ku qabatay Muqdisho shira isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta

0

Muqdishi (SNTV): –  Waxaa shalay ku qabsoomay Muqdisho Shirka isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta si loo xoojiyo aragti mideysan oo laga yeesho horumarka Soomaaliya, iyadoo shirku goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), tiro wasiirro ah iyo xubno kale oo kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Shirka waxaa soo qaban-qaabisay Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo kaashanaysa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), taasi oo ka qeyb ah dadaalka lagu bixinayo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si ay u maalgeshtaan dalka, iyadoo tanina ay ka qeybqaadanayso kobaca dhaqaale iyo abuuridda fursado shaqo oo cusub.

Shirka oo ay ka qeybgaleen tiro badan oo Qurbajoog Soomaaliyeed iyo muwaadiniin daljoog ah ayaa looga dooday habka loo xoojin karo yididiilada Soomaalida ee nabadda, midnimada iyo horumarka dalka. qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa waxa ay ammaaneen muwadiniinta dal joogta ah sababo ku aaddan adkeysigooda iyo u sabridooda dhibaatooyinka.

Khudbad uu Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ka jeediyay shirka ayuu ku baaqay in la dardargeliyo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si dalka dib ugu soo noqdaan, ugana qeyb qaataan nabad dhisidda iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ka soo kabanaya muddo laba xilli oo dagaallo ah, isagoo sheegay in dalku si sugan oo lagu kalsoonyahay horusocod u samaynayo.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

0

Washington (SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Bangiga adduunka ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka waaweyn ee dowladda Soomaaliya u qaadday dhanka dhib-u-habeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaa nidaamka maaliyadda dalka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday habsami u socodka dadaallada Soomaaliya looga cafinayo deymaha.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Moxamed Cabdullaahi, Hantidhowrka Qaranka iyo wasiirka maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb gelaya shirka Guga oo ay iskugu yimaadaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Sanadkaan waxaa jiri doono qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeyn doono dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto kobcinta dhaqaalaha dalka.

Haweenka Muqdisho oo Deeq Taakuleyn ah ku wareejiyey Ciidanka Xoogga ee furinta hore ee dagaalka ku jira

Muqdisho (SNTV)-Sahaydaan loogu talo galay Ciidanka qalabka sida ee Howlagalada ka wada Qaar kamid ah Gobolada dalka, gaar ahaan kuwa la wareegay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa isugu jira Hilib, Kalluun, Buskut, Sabaayad iyo Biyo, Taasi oo Haweenka ku nool Caasimada ay ugu talo galeen inay kaga qeyb qaataan howlgalada dalka looga xorreynayo Argagixisada Alshabaab.

Haweenka soo Arruuriyey Sahaydaan oo loogu magac daray Taageerada Muwaadinka ee Ciidanka Qalabka sida oo aragtideeda ay laheyd Marwada Koowaad ee dalka Seynab Cabdi Macalin ayaa sheegay in Haweenka Muqdisho ay go’aansadeen inay is garab taagaan Ciidanka qalabka sida.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegtay inay u taagan yihiin Dhiiri-gelinta iyo Taageerada Ciidanka qalabka sida ee dagaalka kula jiro Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab, iyaddoo xustay in ay ka go’an tahay inay garab u noqdaan Ciidanka.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka Marwo Aamino Saciid Cali ayaa uga mahad celisay Haweenka Soomaaliyeed sida Ciidamada ay u garab istaageen, iyaddoo Sahaydii Haweenkaan ay ugu talo galeen Ciidanka lagu wareejiyey Taliyaha Hoggaanka Zaadka ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Sharmarke Cali Axmed.

Shirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (SNTV)- Dar-dargelinta howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,dadaalada aqoonsiga caalamiga ah loogu raadinayo baasaborka Soomaaliga iyo xoojinta wadashaqeynta laamaha Hay’adda ayaa kamid ah waxyaabha looga hadlayay shirka 3-billaha aha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kaasoo furitaankiisa ay kasoo qeybgaleen Wasir ku xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Amniga Xukuumada Federaalka ah,Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,bulshada rayidka ah iyo xafiisyada dambi baarista Booliska iyo Xeer-ilaalinta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Kornel Maxamed Aadan Jimcaale (koofi) ayaa isbadalka iyo hormarka ay hay’adda sameyenyso ka sokow shirka ka sheegay in aqoonsiga baasaborka Soomaaliga uu heer wanaagsan marayo dalal Yurub ka tirsan ay aqoonsadeen kuwa kalana ay hada ku howlan yihiin Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mudane Maxamed C/laahi Tuulax waxa uu muujiyay in siweyn loogu baahan yahay in adeega baasaboorka iyo qaadashadiisa loo daadajiyo ilaa heer degmo isagoo sheegay in loo baahan yahay hay’adda Soccdaalka iyo Jinsiyydda iyo Gobolka Banaadir ay iska kaashadaan kahortagista dokumintiyada been abuurka ah ee la sameysto mararaka qaar kahor dalbashada Baasaborka

Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru-Dowlaha Amniga Gudaha XFS mudane Cabdinaasir Saciid Muuse iyo mudane Maxamuud Maxamed Boonow ayaa dhankooda balanqaaday inay ka shaqeynayaan sidii Xukuumada loogu gudbin lahaa sharciyada muhimka u ah howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo wax ka qabashada caqabadaha heysta shaqaalaha Hay’adda

Mas’uuliyiinta kale ee shirka ka hadlay islamarkaana aragtidooda ku biiriyay dardaragalinta Howlaha Hay’da Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa kamid ah xubno kaoscday Bulshada rayidka ,laanta dambi barista Booliska Soomaaliyeed Iyo xeer-ilaalinta qaranka waxaana shirkan uu qeyb ka yahay kulamada lagu diyaariyo laguna qiimeeyo qorshayaasha lagu hormarinayo howlaha iyo adegyada ay buskhada u heyso Hay’adda Socdaalka.

Madasha Lixaad ee Wasaaradaha Dastuurka oo Ka furmay Kismaayo

0

Shirka madasha wasaaradaha Dastuurka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa maanta ka furmay magaalada kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland kadib hakad ku yimid bilooyinkii ugu dambeeyay.

Madasha waxaa ka qaybgalaya dhammaan Wasiirada Dastuurka Dolwadda dhexe iyo dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Hussein Abdi Elmi oo furay Madasha 6’aad ee Wasaaradaha Dastuurka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dardargeliyo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed sida hannaanka Maaliyadda Federaalka iyo Nidaamka Cadaaladda ee Federaalka.

Sidoo kale, waxaa hadalo ka jeediyay dhammaan wasiirada dastuurka dolwad goboleedyada oo bogaadiyay madasha islamarkaana isku raacay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo dastuurka, sidoo kale waxay bogaadiyeen 10-ka cutub ee Dib-u-eegista lagu sameeyay, waxyna ballanqaadeen in ay kala shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka sidii loo bilaabi lahaa latashiyada dadwaynaha ee dastuurka.

Madasha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay istiraatiijiyadda wacyigalinta iyo latashiyada dadwaynaha ee Dastuurka waxaana la isku raacay xilliga la bilaabayo latashiyada dadwayanaha isla bishaan april si loo dadrdargeliyo dhamaytirka dastuurka.

Madasha oo socon doonta muddo laba maalin ahaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa cutubyada 1-9 ee dib-u-Eegista lagu sameeyay, si loo bilaabo la tashiyada dadwaynaha ee Dastuurka.

Gabagabada Madasha waxaa la soo saari doonaa warmurtiyeed.

—–DHAMAAD—–

QM oo ku baaqaday in la joojiyo dagaalka ka socda Libya

0

Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaadda ka aloosan Magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalka Liibiya.

Tobanaan Qof ayaa ku dhimatay,Kumanaan kalena way ka barakaceen Magaalada Tripoli,  markii ay weerar xooggan ku soo qaadaeen halkaasi ciidamo uu hoggaaminayo, Gen; Khalifa Hafta, oo kasoo horjeeda Dowladda uu Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.

Janaraal; Khalifa Hafta, ayaa sheegtay in ay Ciidamadiisu qabsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Tripoli, wuxuuna ku Gacan sayray baaqyo caalami ah oo kaga yimid Qaramada midoobay iyo dhex dhexaadiyeyaal kale oo Caalami ah.

Isha/ Daily Nation

Jazeera oo Jiiday Jeenyo

Kooxda Kubada Cagta Jeenyo ayaa la kulantay guuldaradii sagalaad ee soo gaarta Sanadkaan Sagaal Kulan oo ay Ciyaartay Kulamada Horyaaka Soomaaliya kadib markii ay la Ciyaarta Kooxda Jazeera oo sanadkii hore ka soo dalacday Horyaalka heerka labaad ee dalka waxaana Jeenyo Looga adkaaday 1-0 kulan galabta ku dhex maray Garoonka Banaadir.

Guusha Kooxda Jazeera ayaa ah guushii sadexaad oo ay gaartay sagaal kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya waxaana ay ugu mahad celinaysaa Aghahowa oo u saxiixay goolka kaliya ay ugu adkaatay dhigeeda Jeenyo.

Jazeera hada waxay leedahay Toban dhibcood waxaana ay ka sare martay kooxaha Gadiidka iyo Madbacadda, ayadoo ku dhibco noqotay kooxda Kooxda Midnimo oo kaalinta lixaad kaga jirta kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya.

Jeenyo iyo Jazeera waa labada kooxod ee la kulmay guuldarooyinka ugu badan Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan, Jeenyo waxay lumisay 8 kulan Sagaal kulan oo ay soo Ciyaartay halka Jazeera laga adkaaday 5 Kulan Sagaal kulan oo ay soo Ciyaartay.

Jeenyo waa kooxda kaliya ee laga adkaaday 8 Kulan dhamaan Tobanka kooxod ee ku tartamaya Horyaalka, Sidoo kale waa kooxda kaliya ee aanan hal kulan barbaro gelin dhamaan Kulamada ay Ciyaartay.

Hal kulan oo quraa ayeey adkaatay dhamaan sideed kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan, waana markii ugu horeysay oo sidaan ay ku dhacdo Kooxda Jeenyo tan iyo markii ay ku soo biirtay Horyaalka Soomaaliya.

Guuldarooyinka Kooxda Jeenyo ayeey sabab ugu dhigeen Bulshada Ciyaaraha in Kooxda ay la soo diristay dhaqaale la,aan aad u xoogan waxaana sabab ay u noqotay in dhibcaha kooxda ay ku tashtaan kooxaha kale.

2017-kii ayeey ahayd markii kooxda ay lumisay 7 ka mid ah safka hore ee kooxda, Waqtigaasi wiixi ka danbeyayna kooxda waxay ahayd mid la daala dhaceysay guuldarooyin aysan qaadin Karin Jamaahirta Kooxda Jeenyo oo xili ciyareedkan u muuqda mid Kooxdooda sababi karta in at u laaban karta Horyaalka Heerka labaad ee dalka Hadii aysan sidaan wax iska badalin.

Dhanka kale Jeenyo ayaa sidoo kale ah Kooxda goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya, 25 gool ayaa laga dhaliyay waxaana shan gool ay dheer tahay kooxda Jazeera oo ah Kooxda Labaad ee goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya oo ay la Ciyaartay galabta kulankeeda ugu danbeeyay wareega hore ee Horyaalka Soomaliya.

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow