Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay shirka Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika, African Land Forces Summit 2026.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiso Maraykanka, islamarkaana sanad walba la isugu keeno taliyeyaasha ciidamada dhulka ee qaaradda Afrika iyo bahwadaagtooda caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, horumarinta awoodaha ciidamada, iyo la tacaalidda caqabadaha amni ee wadajirka ah.

Sanadkan, doodda shirka ayaa si gaar ah u dul istaagtay doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo sida ay u beddelayaan qaabka hawlgallada militari iyo qorsheynta istaraatiijiga ah.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa intii uu shirka socday si guud uga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-dubaridka hawlgallada iyo horumarinta nidaamyada wadaagga macluumaadka, si loo xaqiijiyo waxtarka iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga.

Sidoo kale, taliyaha ayaa khudbadiisa ku muujiyay doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan drones-ka, iyo saamaynta ay ku leeyihiin qaab-dhismeedka hawlgallada militari ee maanta, gaar ahaan hawlgallada CXDS ee ku aaddan la dagaallanka argagaxisada.

Gen. Sahal ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida joogtada ah ee loo qabo horumarinta awoodaha ciidanka, tababar xirfadeed oo joogto ah, iyo xoojinta iskaashiga heer qaran iyo heer caalami.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta shacabka iyo in howlgalada lagu fuliyo si waafaqsan sharciyada iyo anshaxa dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda NIRA 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle...