CIID MUBAARAK
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo dhowaan halkaasi kala wareegay Khawaarijta Al Shabab.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku bogaadiyay xoreynta iyo xasilinta degaanka Gendershe, isagoo sidoo kale sheegay in mashaariic badan oo horumarineed laga fulin doono degaankaasi.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay farxadda Ciidul-Fidriga, waxaana uu ugu baaqay nabad, midnimo iyo in la caawiyo dadka tabarta yar ee tabaaleysan.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fitriga, kuna baaqey xoojinta midnimada, nabadgelyada, lana garab istaago dadka ay abaaruhu saameeyeen.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay dhaarinta xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika .
6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynaha Koonfuur Galbeed uu hor istaagay safar xal raadin, wadahadal iyo isku soo dhoweyn ah oo uu ku tagi lahaa magaalada Baydhabo.
7- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay go’aanka Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed ku sheegtay inuu jarey xiriirka iyo wadashaqeynta uu la lahaa Dowladda Dhexe.
8- Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta Haweenka Soomaaliyeed.
9- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadaha ugu waaweyn ganacsiga caalamka sida kuwa gawaarida iyo dhismaha ay daneynayaan inay xarumo ka furtaan Soomaaliya, kadib markii dowladda ay ku guuleysatay xasilinta amniga dalka.
10- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku guddoomisay shir looga hadlayay harumarinta Xuquuqul Insaankan Soomaaliya.
11- Dowladda Soomaaliya oo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan horumarinta macdanta muhiimka ah la saxiixatey Maamulka Gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka.
12- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa in ka badan 22 ka tirsan argagaxisada ku dishay gobollada Hiiraan iyo Mudug.
13- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo abaabulay kulan afur ah oo lagu xusay shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhintay dagaalka Khawaarijta, kuwaas oo shahiiday iyagoo difaacaya dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.
14- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi yaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen hoggaanada, fadhiyada iyo qeybaha Ciidanka Booliska, shirkaas oo looga hadley sugidda amniga maalmaha Ciidda.
15- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa ciidamada amniga kula afuray duleedka deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
16- Sagaalka xubnood oo Soomaaliya uga matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika ee EAC ayaa lagu dhaariyay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
17- Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran wadanka Hindiya.
18- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la tacaaleysa gargaarka dad gaaraya ilaa 6.5 milyan oo la tabaaleysan abaaraha dalka ka jira.
19- Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyey wejiga koowaad ee gurmadka abaaraha ka jira deegaanada kala duwan ee maamulka.
20- Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo afar degmo oo ka tirsan HirShabeelle gaarsiiyay kaarka codbixinta doorashooyinka qof iyo cod.
21- Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo deegaano dhaca bariga gobolka Galgaduud ka fuliyey howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo lagu dilay ku dhawaad 10 dhagarqabe, laguna burburiyey goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen.
22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed guddoonsiiyay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada.




