1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu dalka Djibouti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Djibouti iyo Ethiopia.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, isagoo abaalmarinno lacageed guddoonsiiyey ardeyda kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka iyo eheladii uu ka geeriyooday General Maxamed Cali Abokor oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania uga qeybgaley Meertada 25-aad ee Shir madaxeedka sannadlaha ah ee Madaxda Ururka Bariga Afrika (EAC).
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii ay soo ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan maalinta haweenka u diray haweenka Soomaaliyeed, waxaana uu bogaadiyay doorka mugga leh ee ay ka qaadanayaan dhismaha nabadda iyo dowladnimada dalka.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee ka Jawaabista Xaaladdaha Degdegga ah ee Amniga Internetka (SOMCIRT) oo loo diyaariyey ka jawaabista iyo ilaalinta amniga Isgaarsiinta.
8- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Mudane Lionel Laurens.
9- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov.
10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa soo saartay liiska Nootaayooyinka ka diiwaangashan Wasaaradda sannadkan 2026, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha iyo habraacyada u degsan diiwaangelinta Nootaayooyinka dalka.
11- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Makhzoumi ayaa ka qeybgashay shirka sanadlaha ah ee Haweenka Adduunka oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
12- Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay kulan ku saabsan ansixinta iyo istiraatiijiyadda macaahida shareecada iyo dugsiyada Qur’aanka Kariimka.
13- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), iyagoo ka wadahadley dardargelinta dadaallada xal loogu raadinayo xaaladaha abaaraha dalka, gaar ahaan dadka xoola-dhaqatada ah.
14- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay Ciidamo gaar ah oo tababar loogu dirayo dalka dibaddiisa.
15- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqday deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo bogaadiyay geesiyaasha ciidanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maleeshiyaadka argagaxisada ee Al Shabab kala wareegay deegaanka istiraatiijiga ah ee Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
17- Danjiraha Soomaaliya ee magaalada Geneva Switzerland, Khadro Maxamed Ducaale, ayaa khudbad ku saabsan horumarka xuquuqul insaanka Soomaaliya ka jeedisay shirka guud ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee ka dhacay Geneva.
18- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hadhramaut ee dalka Yemen ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalkaas.
19- Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and Harbors ee IAPH.
20- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ayaa lacag deeq ah oo loogu talagaley gurmadka abaaraha ku wareejisay dhalinyarada Daryeel Bulsho.
21- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Marwo Marit Fikke oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway.
22- Xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
23- Shiinaha oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $2 Milyan oo doolar oo lagu caawin doono dadka abaaraha ay saameeyeen.




