Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Date:

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka TCG SANCAKTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaalka Turkiga ee soo gaaray Muqdisho.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha, tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda iyo ka hortagga khataraha amni ee marinnada badda.

Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha ayaa booqashada ku wehliyay Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD iyo ciidamada Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...