Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Date:

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Cape Town madax ka socotay Empire Investment Bank, oo ah bangi caalami ah oo maalgelin ku sameeya shirkadaha macdanta kana xaraysan dalka Shiinaha, iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga Koonfur Afrika, AdV Mtho Xulu.

Kulanka ayaa ka dhacay Cape Town, halkaas oo Wasiirku uga qeybgalayay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika. Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay kheyraadka macdanta iyo kan dabiiciga ah ee uu dalku hodanka ku yahay, isagoo sharaxay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxda Empire Investment Bank iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga Koonfur Afrika ayaa soo dhaweeyay warbixinta wasiirka, iyagoo muujiyay xiisaha ay u qabaan maalgashiga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo lagu heshiiyay in kulamo kale lagu qabto gudaha Soomaaliya si loo sii xoojiyo wadahadallada la xiriira maalgashiga macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...