Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Cape Town Kula Kulmay wasiirrada dhiggiisa ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Cape Town kulan kula yeeshay wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Kenya iyo Tanzania, xilli uu ka qeybgalayay Shirka Maalgashiga Macdanta.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Kenya, Mudane Hassan Ali Joho, iyo Wasiirka Macdanta ee Tanzania, Mudane Anthony Peter Mavunde (MP).

Saddexda wasiir ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira dalalkooda, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyay kheyraadka dabiiciga ah iyo noocyada kala duwan ee macdanta ay hodanka ku yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa ay sidoo kale isla meel dhigeen xoojinta iskaashiga saddex-geesoodka ah ee ku aaddan horumarinta iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta maalgashiga, kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, iyo hubinta in kheyraadka si waara oo cadaalad ah looga faa’iideysto, si looga dhaliyo horumar dhaqaale iyo shaqo-abuur ka hirgala dalalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...