Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Date:

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi, wax ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska, iyo gargaarka bani’aadannimada iyada oo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo fursadaha wada shaqeyneed si ay uga faa’iideystaan labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Ciraaq ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxa-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo xusay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalalka Carabta.

Dhankiisa, Danjire Dr. Qahtan, ayaa caddeeyey sida ay dowladdiisu uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii kordhin doonto taageerada dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...