Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka fuliyay weerar dhabagal ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo watay gaari booyad ah. Weerarkaasi ayaa lagu dilay ugu yaraan lix ka mid ah maleeshiyaadka.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada ay jidka u galeen kooxda oo biyo u doonatay deegaanka. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gubay gaarigii booyadda ahaa ee ay wateen, waxaana haatan socda baacsiga maleeshiyaadkii firxaday ee ku haray duurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...