Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

Date:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliya, isagoo diiradda saarey arrimaha dib u heshiisiinta iyo faragelinta ay Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

2- Madaxweyhne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, isagoo u jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka , dagaalka lagu ciribtiraaya Khawaarijta iyo doorashooyinka golaha degaanka ee dhawaan ka qabsoomay Muqdisho.

3- Golaha wasiirada ayaa ansaxiyey labo Heshiis is-afgarad oo dhexeeya Soomaaliya Uganda oo dhinaca amniga ah, iyo mid u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Caraabiya oo dhinaca iskaashiga gaadiidka badda.

4- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud,iyadoo kulanka diirrada lagu saarey taageerada midnimada Soomaaliya.

5- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Sugiono,iyagoo ka wadahadlay muhiimada ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhul iyo midnimada qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ayaa shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadisay qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul leh u dhacday 25-kii Diseembar 2025-ka.

7- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababarka Ciidamada TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

8- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel uu ku tagey magaalada Hargeysa, tallaabadaas oo ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Danjire Sam Thomas,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagalaanka argagaxisada.

10- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaan Khawaarijta.

11- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay Degmada Jilib lagu dilay horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar (Eng Ismaaciil), kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada,amniga gudaha iyo hawlgalada dibedda.

12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo u dabaaldagey munaasabadda xuska sannad-guuradii 62-aad.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xarigga ka jaray mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho iyo Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud ayaa magaalada Washington kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saarey muhimadda ilaalinta madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

15- Dhowr iyo labaatan dowladood oo soo saarey War Murtiyeed loo dhan yahay oo ay ku diidan yihiin faragelinta Israel ee madaxbanaanida Soomaaliya, iyagoo si buuxda u taageeray madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa burburiyay warshad sameysa qaraxyada kooxda Khawaarijta oo ku taalley degmada Saakow.

17- Wasiirrada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadka Israel ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

18- Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga ,oo uu horkacayay Taliyaha Ciidamada Özel Hareket, iyadoo kulanka diirrada lagu saarey xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga ee u dhexeeya labada dal.

19- Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirasaaq Maxamed, ayaa si rasmi ah u daah furay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Toban (10) shirkadood ee ku guuleystay Tartanka Hal-Abuurka Furan ee Suuq-helidda Beeraleyda Soomaaliyeed 2025-ka ,oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

20- Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadkii ay Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” oo qeyb ka ah dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaana taageeray madax-banaanida ,midnimada dhuleed iyo xasiloonida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

21- Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya.

22- Isu-soo-bax ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, laguna muujinayay diidmada faragelinta ay Israel ku hayso midnimada dalka, ayaa lagu qabtay Muqdisho.

23- Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka soo horjeeda faragelinta Israel ku sameysay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

24- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda abaaraha ee dalka oo si weyn saameeyay bulshada soomaaliyeed .

25- Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...