Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar ahaan Ciidamada Mareykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo lala beegsaday kooxo Khawaarij ah oo ku sugnaa degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalkaas duqeynta ah waxaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyada Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, howlgalka wadajirka ah ayaa lagu burburiyay warshad ay Khawaarijtu u adeegsan jireen soo saarista iyo diyaarinta noocyada qaraxyada ee lagu dhibaateeyo shacabka.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada, si loo adkeeyo amniga shacabka Soomaaliyeed.
Howlgallada is-daba jooga ah ayaa muujinaya wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee ka go’an ciribtirka cadowga Soomaaliyeed.
