Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Janaraal Sahal ayaa ciidanka ku dhiirrigeliyay in ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, isagoo bogaadiyay doorka ay kaga jiraan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu sidoo kale la wadaagay fariimo iyo dardaaran ku aaddan in la ilaaliyo anshaxa, midnimada iyo feejignaanta joogtada ah.
Booqashada Taliyaha ayaa qayb ka ah dadaallada ay hoggaanka sare ee ciidamada ugu jiraan kormeeridda furimaha hore si loo xoojiyo niyadda ciidanka iyo la socoshada xaaladda dhabta ah ee goobaha dagaalka.
