Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Date:

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna dhiirrigelinayay saraakiisha Ciidanka Booliska ee Koonfur Galbeed kuwaas oo door muuqda ka qaatay xasilinta amniga ee deegaannada maamulkaas.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha billado sharaf, shahaadooyin iyo hadiyado, si loogu bogaadiyo howlaha adag ee ay qabteen gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta, ilaalinta dadweynaha, iyo ka hortagga falalka amni darrada.

Waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, culimo, odayaal iyo qeybaha bulshada.

Taliyeyaasha iyo masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay muujiyeen dadaal, geesinimo iyo wadaniyad mudan in lagu abaalmariyo, waxayna sheegeen in dhiirrigelintani ay sare u qaadeyso moraalka ciidamada, isla markaana dhiirrigelin doonto dagaalka lagula jiro cadowga dalka.

Munaasabadda noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu dhiirrigelinayo ciidamada qaranka si ay uga go’naadaan sugidda amniga dalka oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...