Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka Wargaadhi oo dhawaan jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda khawaariijta.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo booqasho dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan wargaadhi ayaa ku booriyay inay muujiyaan isku duubni, si ay cadowga wadajir uga guuleystaan.
Sidoo kale maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa Ciidamada Xoogga Dalka iyo xaq u dirirka deegaanka ku wareejiyay deeq xoolo nool ah, waxaana uu tilmaamay inay ka maamul ahaan garab taaganyihiin Ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta.
