Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dib-u-dhiska Waddada Jamhuuriyo ee degmada Karaan, gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Karaan, odayaal, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waddada Jamuuriyo ayaa ka mid ah jid-gooyada muhiimka ah ee degmada, waxaana dib-u-dhiskeedu la filayaa in uu fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka burbursan ee u baahan dayactirka degdegga ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka degmada Karaan in ay la shaqeeyaan dowladda si loo ilaaliyo loona dhameystiro mashruuca.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...