Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Date:

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul u cambaareeyay faragelinta Israa’11l ee lagu eedeeyay in ay ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida dalka Soomaaliya. Isagoo ka hadlayay banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed aysan marna aqbali doonin duulaan kasta oo lagu soo qaado qarannimada dalka.

“Haddii aan nahay dhallinyarada Soomaaliyeed, marna ma aqbali doono duulaanka YH-DA ay kusoo qaaday midnimada dalkeenna,” ayuu yiri Cumar Faaruuq, isagoo xusay in loo baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed ay mideysnaato si loo difaaco jiritaanka iyo masiirka qaranimada.

Hadalkan ayaa qeyb ka ah dareenka iyo mowqifka adag ee ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada ka muujinayaan xaaladda taagan, iyagoo ku baaqaya in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...