Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Date:

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay si weyn uga qeyb qaadatay habsami u socodka howlahaasi.

Muddadii ay socotay diiwaangelinta, waxaa si hufan uga shaqeeyay guddiyada doorashooyinka, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka, taas oo keentay in dadweyne badan ay iska diiwaangeliyaan.

Masuuliyiinta doorashada ayaa tilmaamay in heerka ka qeybgalka uu sare u kacay maalmaha ugu dambeyay, taas oo muujineysa kalsoonida iyo rajada shacabka ee ku aaddan hanaanka dimuqraadiyadeed.

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku bogaadiyay shacabka sida ay isugu diwaangeliyeen doorashada.

Waxaa la filayaa in wejiyada xiga ee doorashada, sida ololaha iyo codeynta, ay si degan u bilaabmaan iyadoo laga faa’iideysanayo waayo-aragnimada diiwaangelinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...