Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Date:

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan boqolaal qof oo ka kala yimid qeybaha bulshada, gaar ahaan culimada Soomaaliyeed.

Bannaanbaxan ayaa lagu muujinayaa cambaareyn xooggan oo ka dhan ah faragelinta ay dowladda Israa’iil ku heyso midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Bannaanbaxa oo ay soo abaabuleen culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan Golaha Sare ee Culumada, ayaa ka socdo Taallada Daljirka Dahsoon. Culimada ayaa horey ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si nabadeed uga qeybqaataan bannaanbaxa, si loo adkeeyo midnimada dalka loogana hortago wax kasta oo lid ku ah qaranimada Soomaaliya.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo culimo kale oo kamid ah kuwa hormuudka u ah kacdoonkan ayaa sheegay in Israa’iil ay isku dayeyso inay qalqal geliso Soomaaliya, taasina aysan marnaba ogolaan doonin, ayna ka hortagi doonaan si mideysan, diimeed iyo qaranimo ahaanba.

Bannaanbaxa ayaa kusoo beegmaya xilli dareen xooggan oo ka dhan ah siyaasadaha Israa’11l uu ka jiro guud ahaan dalka, iyadoo dadweynuhu muujiyeen sida ay uga go’an tahay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...