Madaxweynaha JFS oo ka hadlay mar kale faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale si cad u sheegay in aan la aqbali karin faragelinta Israaโ€™11l ee arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in tallaabooyinka noocaas ah ay halis gelinayaan amniga, midnimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay si hagar laโ€™aan ah u wadi doonto dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo gobannimada dalka, isagoo bogaadiyay sida beesha caalamka ay si geesinimo leh uga hadashay tallaabooyinka khaldan ee Israaโ€™11l.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha ka jeediyay shirkaย  jaraaโ€™id uu Istanbul kula qabtay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoฤŸan, halkaas oo lagu adkeeyay mowqifka wadajirka ah ee ku aaddan difaaca midnimada Soomaaliya iyo iska caabbinta faragelin kasta oo shisheeye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale