Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Date:

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO) oo ka socda magaalada London, ayaa kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO, Mudane Arsenio Dominguez, isagoo ku wareejiyay waraaqaha rasmiga ah ee caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ah ee IMSO. kaas oo xoojinaayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi. Waxaa looga hadlay kulankaan sidii iskaashigan cusub uu gacan uga geysan lahaa amniga badda Soomaaliyeed iyo dadaallada dowladdu ay ku doonayso in lagu casriyeeyo hay’adaha badda, lana xoojiyo sharciyada iyo ilaalinta xeebaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...