Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Morooko, ayaa magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Casiis Akhannuuj. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhiggiisa Morocco la wadaagay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo sidoo kale warbixin ka siiyay guulaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka laga hirgelinayo.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Morocco, Mudane Casiis Akhannuuj, ayaa si faahfaahsan u sharaxay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, diblomaasiyadda iyo horumarinta xiriirka guud ee labada waddan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...