Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Dalka Malaysia, Datuk Suhaimi Sulaiman, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha warbaahinta dalkaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta warbaahinta Malaysia (Menara Angkasapuri), ayaa Agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale si qoto dheer uga warbixiyey shaqada iyo horumarka Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, sida SNTV, Radio Muqdisho, SONNA, Wakaaladda Filimada iyo Wargeyska Dalka.

Agaasimuhu wuxuu sidoo kale iftiimiyey doorka muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliya ay ka qaadato dhismaha dowladnimo, wacyigelinta bulshada, doorashooyinka, la-dagaallanka argagixisada, iyo la-tacaalidda wararka been abuurka ah.

Dhankiisa, Agaasimaha Warbaahinta Malaysia ayaa muujiyey diyaar u ahaanshaha iskaashi buuxa, isagoo xusay in ay soo dhoweynayaan wada-shaqeyn dhanka tababarada, khibrad is-weydaarsiga iyo horumarinta warbaahinta labada dal.

Ugu dambeyn, Agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa saxiixay buugga martida xarunta warbaahinta Malaysia, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dhinac, si gaar ah warbaahinta, baahinta dijitalka iyo dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...