Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad guurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay (CRC).

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, arday, iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Xuska sannad-guurada 10-aad ayaa lagu muujiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixisay ilaalinta, horumarinta iyo difaaca xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo la xusay horumarka laga sameeyay shuruucda, siyaasadaha, iyo barnaamijyada taageeraya carruurta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda carruurta, isagoo carabka ku dhuftay in carruurtu ay yihiin mustaqbalka dalka, loona baahan yahay in la siiyo daryeel buuxa, waxbarasho tayo leh, iyo nolol ammaan ah.

Waxaa sidoo kale la xusay baahida loo qabo in dhammaan hay’adaha dowladda iyo bulshaduba ay iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...