Wasiirka Warfaafinta oo Guddoomiyaha Aqalka Sare Gufdoonsiiyay haddiyad ka timid Madxafka Nabadda Carta.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kaas oo guddoonsiiyay haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Gobolka ee Carta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale Guddoomiyaha la wadaagay warbixin ku saabsan munaasabadda lagu daahfuray 25-guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta, iyo marxaladihii uu soo maray Madxafka Nabadda.

Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay haddiyadda, isagoo si gaar ah u bogaadiyay walaalaha Jabuuti doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha Madxafka Taariikhiga ah ee Carta, kaas oo xusuus qaran u ah shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...