Wasiirka Hawlaha Guud ee DFS oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya. 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulan soo dhaweyn heer sare ah la yeeshay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta Magaalooyinka Kenya, Marwo Hon. Alice Wahome (EGH).

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyadoo wada-hadallada lagu lafaguray qodobbada muhiimka ah ee hoos ku xusan:

– Xoojinta iskaashiga dhanka tababarrada iyo is-dhaafsiga khibradda ee la xiriira magaaleynta, guriyeynta, iyo maamulka dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

– Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee labada dal, gaar ahaan kuwa la xiriira marinnada isku xira Soomaaliya iyo Kenya.

– Hirgelinta barnaamijyada guryaha jaban, la awoodi karo, oo adkaysi leh, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta magaalooyinka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad leh, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen in la ballaariyo xiriirka iskaashi ee dhanka horumarinta iyo dhismaha, taasoo ka tarjumaysa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo heshiisyada labada Wasaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...