Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hortimid mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, iyadoo faahfaahin ka siisay ahmiyadda iyo doorka muhiimka ah ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiijo ayaa tilmaantay in guddigani uu saldhig u yahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, la dagaalanka tacaddiyada, iyo xaqiijinta sinnaanta iyo caddaaladda bulshada. Waxay xustay in dhismaha guddigan uu ka tarjumayo horumar ballaaran oo laga sameeyay hirgelinta mabda’a dimoqraadiyadda iyo dowladnimada ku dhisan sharci iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, Wasiir Khadiijo waxay bogaadisay doorka Aqalka Sare ee ansixinta xubnaha guddigan, taasoo muujinaysa garab istaagga hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Khudbadda Wasiir Khadiijo ayaa timid xilli xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka la horgeeyay Golaha Aqalka Sare, kuwaasoo si rasmi ah cod aqlabiyad leh loogu meel mariyay, lana dhaariyay si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...