Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Date:

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib cod gacan-taag ah oo ay u qaadeen.

28 Senator ayaa oggolaaday, hal Senatorna wuu ka aamusay, mana jirin cid diiday, taasoo muujisay kalsoonida ballaaran ee goluhu u hayo xubnaha guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa isla kulankaas lagu dhaariyay, iyagoo si rasmi ah u guda geli doona waajibaadkooda, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin ilaalinta, horumarinta, iyo u doodidda xuquuqda aadanaha ee dalka.

Guddigani waxa uu door muhiim ah ka ciyaari doonaa la socodka tacaddiyada, kor u qaadidda wacyiga xuquuqda muwaadiniinta, iyo dhiirrigelinta cadaaladda bulsho.

Ansixinta guddigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ugu jirto dhisidda hay’adaha dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...