CXD oo howlgal ka fuliyay Buula Madiina oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Date:

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Buula Madiina ee hoostagta degmada Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, ciidamadu waxay guul ka gaareen badbaadinta 30 qof, oo ay ku jiraan labo dumar ah, kuwaas oo Khawaarijtu afduub ahaan u haysteen.

Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsi iyo maxkamad beenaad oo argagixisadu halkaas ka dhistay, kuna dhibaateyn jirtay shacabka deegaanka.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee CXD ay ku wadaan ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amni, xasilooni, iyo badbaado shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...