Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Algeria Cabdulmajiid Tabuun.
2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria, waxaana uu warbixin ka dhegeystay diblumaasiyiinta ka howlgala safaaradda.
3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday masaajidka ugu weyn Africa, Warshadda Daawooyinka dalka Algeria iyo Xarunta Garaadka Macmalka,isagoo warbaxinno ka dhageystay maamulka xarumahaas.
4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada dalka Algeria oo lagu xasuusto halyeeyadii u naftooda u huray halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas.
5. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka reer Algeria soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Algeria kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.
6. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Algeria Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal oo isugu jira xiriirka labada dal, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka.
7. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth, iyadoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
8. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Marwo Maryan Cali Abuukar u magacaabey xilka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
10. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris, oo diiradda lagu saaray la dagaallanka isbeddelka cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta,oo ka dhacay magaalada Belem ee dalka Brazil.
11. Ra’iisul Wasaare-Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qay- galay munaasabadda saxiixa mashruuca Dardargelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Soomaaliya, oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNDP, iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsi ee dalka .
12. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka iyo Dalxiiska ee labada dal.
13. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir ay isugu yimaaddeen Wasiirrada Dalxiiska ee Waddamada Afrika, iyadoo halkaas uu ka socday shirweynihii 26-aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dalxiiska (UN Tourism General Assembly).
14. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabi Cali ayaa qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daloum.
15. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux ayaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyadoo looga hadlay dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.
16. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha dhawaan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose.
17. Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Dhismaha Guryo Qiimo Jaban, oo loogu talagalay qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay abaaraha, daadadka iyo colaadaha.
18. Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Beirut ee dalka Lebanon uga qeybgaley Madasha Dhaqaalaha iyo Horumarinta Qoondada Arrimaha Bulshada ee dalalka Carabta.
19. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ayaa baaq nabadeed ka soo saartay, dilalka iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay qeybo ka mid a dalka.
20. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeybgalay fadhiga heerka sare ee shirweynaha cimilada COP30 ee ka furmay magaalada Belém ee dalka Brazil.
21. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala aya qaabilay Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Af-Sawaaxiliga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, Dr. Caroline Asiimwe.
22. Madaxweynaha maamul goballedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo looga hadlay xaaladda bani’aadamnimo ee dalka ,abaaraha iyo sidoo loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha samafalka iyo dowladda.
23. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen. Marco Manzone.
24. Xafiiska Amniga Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay Shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, kaas oo la qabto labo jeer sannadkii,oo diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.





