Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Date:

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna Safiir aan degganeyn dalka Congo, ayaa maanta magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Congo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Congo, Mudane Jacquemain Shabani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, fursadaha iskaashi, doorka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Congo, iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Kulanka ayaa lagu heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...