Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad ah

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Belgrade, ayaa heshiis iskaashi caafimaad la saxiixday dhiggiisa dalka Serbia.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka iyo iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dal, wuxuuna Soomaaliya u horseedayaa fursado cusub oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo helitaanka daryeel tayo leh.

Heshiiska oo ka dhacay magaalada Belgrade, waxa uu muujinayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka dalka.

Intii lagu guda jiray munaasabadda saxiixa, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay hadiyad sharafeed, taasoo ka tarjumeysa xushmad, saaxiibtinimo iyo adkeynta wada shaqeynta labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...