Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad ah

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Belgrade, ayaa heshiis iskaashi caafimaad la saxiixday dhiggiisa dalka Serbia.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka iyo iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dal, wuxuuna Soomaaliya u horseedayaa fursado cusub oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo helitaanka daryeel tayo leh.

Heshiiska oo ka dhacay magaalada Belgrade, waxa uu muujinayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka dalka.

Intii lagu guda jiray munaasabadda saxiixa, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay hadiyad sharafeed, taasoo ka tarjumeysa xushmad, saaxiibtinimo iyo adkeynta wada shaqeynta labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...