Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas, oo booqasho sharafeed ku tagay Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Dr. Muungaab oo Safiirka ku soo dhaweeyay hab-maamuus walaaltinimo, ayaa kala hadlay muhiimadda uu xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya u leeyahay dib-u-dhiska, nabadgalyada, iyo horumarka Caasimadda.

Wuxuu xusay kaalinta muhiimka ah ee Turkigu ka qaatay taageeradii bani’aadannimo ee sannadkii 2011 iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee hadda socda, oo ay ka mid yihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, tababarka ciidamada, la-dagaallanka argagaxisada, horumarinta adeegyada bulshada, iyo mashaariic waaweyn sida saldhigga dayax-gacmeedka.

Guddoomiyaha ayaa ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay fududeynta maalgashiga iyo barnaamijyada horumarineed ee Turkigu ka fulinayo Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale la wadaagay Safiirka danaynta Dowladda Hoose ee Muqdisho ee ku aaddan iskaashiga khibrad-is-weydaarsiga magaalooyinka waaweyn ee Turkiga, si loo xoojiyo adeegyada aasaasiga ah sida nadaafadda, waddooyinka, bulaacadaha, dab-damiska, iyo gurmadka degdegga ah.

Safiirka Turkiga, Danjire Alper Aktas, ayaa dhankiisa caddeeyay in dalkiisu mar walba garab taagan yahay dadaallada dowlad-dhisidda, nabadaynta, horumarinta Soomaaliya, iyo taageerada ajandaha Doorashada Qof iyo Cod ah ee Caasimadda iyo gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...