Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Dowladda Japan 

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda JICA iyo Guddiga Baarlamaanka Japan–AU, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee 9-aad ee Horumarinta Afrika (Tokyo International Conference on African Development – TICAD-9).

Wasiirka waxaa kulamada ku wehliyey Danjire Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Mudane Aweys Cabdullaahi Cali, Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Qorsheynta ayaa la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Mudane IWAYA Takeshi, kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, iskaashiga siyaasadeed iyo taageerada horumarineed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisu ugu go’an yahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiir Beenebeene ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Jabaan (Japan International Cooperation Agency JICA), Miyazaki Katsura, iyadoo la isla gartay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta, tababarrada xirfadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay shaqo-abuur dhalinyarada iyo horumar waara oo ku dhisan iskaashi caalami ah.

Wasiirka ayaa kulan kale la yeeshay Guddiga Baarlamaanka Japan–Midowga Afrika, waxaana laga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale, tababarrada xirfadeed iyo maalgashiga bulshada, Guddiga ayaa dhankooda muujiyay taageero iyo diyaar garow lagu adkaynayo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Soomaaliya waxaa uu kulamo kale la yeeshay madax iyo hay’ado caalami ah oo kala duwan, kuwaas oo looga hadlay fursadaha maalgashi, horumarinta adeegyada bulshada iyo doorka Soomaaliya ee xoojinta nabadda iyo is-dhexgalka gobolka.

Kulamadan ayaa markhaati u ah sida Soomaaliya ugu go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Japan iyo hay’adaha kale ee horumarinta ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan xaqiijinta yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga Qarameed ee 2060.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...