Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene, iyo ku xigeenkiisa, Mudane Mouktar Ousman Karie.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa, kadib soo dhoweyn diirran, Danjiraha la wadaagay xogta ku saabsan hawlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta, isagoo xusay guulo muhiim ah oo laga gaaray la-dagaallanka argagixisada. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey Danjiraha iyo AUSSOM doorka ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin sugidda amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Danjiraha cusub, Mudane Hadji Ibrahima, oo dhowaan la magacaabay, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta iyo qaabilaadda. Wuxuu bogaadiyey dadaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan amniga iyo dib-u-dhiska dalka, isagoo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay si buuxda u garab taagan yihiin qorshaha kala-guurka, si ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ula wareegaan amniga dalka si buuxda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...