Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hayโadda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarunta cusub ee Hayโadda NIRA ee Jowhar.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah diyaargarowga furitaanka rasmiga ah ee laanta Hirshabeelle ee NIRA, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah xarigga looga jaro. Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo heerka uu marayo diyaar-garowga xarunta iyo habsami u socodka howlaha la xiriira bixinta adeegyada muwaadiniinta.
Maareeyaha Guud ee Hayโadda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa xusay in dhawaan la furi doono xarumo cusub oo NIRA ay ku yeelanaysoย magaalooyinka Baladweyne, Balcad, iyo Buulo-Burde, si loo dardargeliyo adeegyada diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiyada Qaranka.