Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis is-af-garad u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha caddaaladda, iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada.

Kulanka, ayaa sidoo kale, lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika, kuna saabsan Iskaashiga Xoojinta Xiriirka Gaadiidka, kaas oo ay Soomaaliya u soo saxiixday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

Kulanka Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta shirka wada-hadalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta, iyada oo Goluhu bogaadiyey shirkan iyo shirarkii ka horreeyey ee lala yeeshay siyaasiyiinta iyo ururrada diiwaan gashan, kuwaas oo looga tashanayey arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale, warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii ka shaqeynayey dabaal-degga todobaadka xorriyadda, taas oo si weyn looga maamuusay dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...